Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Dalka Itoobiya Uga Mahad Celisay Deeqii Waxbarasho.

focus

Somaliland Oo Dalka Itoobiya Uga Mahad Celisay Deeqii Waxbarasho.

(SLT-Addis-ababa) Dawladda Ethiopia ayaa sanadkan Deeqdii waxbarasho ee ugu badnayd siisay Somaliland, waxaana tiradoodu ay dhan tahay 306 arday.

200 oo ka mid ah ardaydaasi ayaa ah arday qaadan doonta 200 undergraduate students, 100 postgraduate halka 6 ay soo qaadan doonaan PHD.

Safiirka Somaliland u joogga Addis Ababa Amb. Axmed Xasan Cigaal oo ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay ardaydaasi ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin deeqdaasi waxbarasho ee ay ka heleen Dalka Ethiopia.

Waxa uu intaasi ku daray in Deeqdani ay ku timid xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya Wadamada Somaliland iyo Ethiopia, xidhiidhkaas labada wadan ay wadaagaan oo ah Dhaqan, waxbarasho iyo xadka dheer ee

kala qaybiya labadaasi dal.

Axmed Xasan Cigaal oo sii wata Hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in ay Somaliland ka go’an tahay sidii ay kor ugu sii qaadi lahayd xidhiidhka saaxiibtinimo iyo wax wada qabi ee u dhaxeeya labada, xidhiidhadaas oo kala ah waxbarashada iyo Dimblomaasiyadda.

“Xukuumadda Somaliland iyo dadkeeduba waxa ay uga mahad celinayaan, Abaalna uga hayaan dawladda Ethiopia Deeqdaasi Waxbarasho” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa munaasibaddaasi iyaguna hadalo ka soo jeediyay Wasiirka Macdanta iyo Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Somaliland, kuwaas oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto Deeqdaasi Waxbarasho.

Ardayda Loo Ogolaaday In ay ka faa’iidaystaan deeqdaasi waxbarasho ayaa geli doona Jaamacadaha ku kala yaala Magaalooyinka Addis Ababa, Hawassa, Gondar, Mekelle, Wello, Ambo, Wolkite, Dire Dawa, Jigjiga, Haromaya, Bahir Dar iyo Arbaminch.

Xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland Iyo Ethiopia ee dhinacyadda Amaanka, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa ah mid sii xoogaysanaya iyo isla markaana sii koraya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top