Connect with us

somalilandtoday.com

SOMALILAND: Madaxweyne Rer Hargaysa Ah Waa Markii Koobaad Maxa Laga Filaayay?

English

SOMALILAND: Madaxweyne Rer Hargaysa Ah Waa Markii Koobaad Maxa Laga Filaayay?

Intii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay 1991-kii, waa markii koobaad ee Madaxweyne rer Hargaysa ahi Dalka Xukunkiisa qabto. Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka horeeyay. Maxaa haddaba laga filaayay.

Horta marka hore waxa laga filaayay siduu Midnimada Hargaysa ka yeelo, intaanu Somaliland-ta kaleba gaadhin. Tii ma dhacday? Maya may dhicin Hargaysa Madaxweynuhu ma midayn iskadaa inuu mideeye Waqooyiga Hargaysa ayaa waxa lagu murmayaa “Madaxweynaha ayaa Madaxtooyadii raraaya iyo Ilma Xasan Dalab ayaa saxsan oo iyagaa beerta leh”

Waxa yaab leh Bulshoy iyadoo Qayaad iyo Bahar Same Birta iska asleen oo 70-ruux iska dileen Dagaalkii Dharkayn Geenyo, ayuu Madaxweynaheenu wuxuu booqday goobtii ay isku hasyteen rer Xasan Dalab oo Dayr lagu wareejiyay (Madaxtooyada cusub halka loo raraayo). Madaxweynahu goobtii wuu ka hadlay oo wuxuu yidhi “Taliyaha Ciidamadda Qaranka ayaan u mahadnaqaya oo hawshan hirgaliyay “. Tollaayay Rer Hargaysow ma iyadoo Beelo Somaliland ahi isku dhammadeen ayuu Beerti Ila Xasan Dalab Taliyihii Guud ee Ciidamadda Qaranka ugu mahadnaqayaa..?

Maanta doorashooyinkii Wakiilada iyo Degaanka iyana ma qabsoomayaan, murankoodi Caasimadda Hargaysa dhinacna u dhaafi waa, Golihii Guurtida ee xalka Dharkayn Geenyo Gali laha Buggii Guri Barwaaqo iyo Hablaha ayuu ku mashquul sanyahay.. Goboladi kale hoggaamintii rer Hargaysa gaadhi wayday, wali Xukuumaddii hore Siilaanyo ayaa sax iyo khalad wixii ay lahayd laga sheekaynayaa. Marka bal rer Hargaysow Huunayaal isku noqdo markii kobaad ayaad Somaliland Xukunka qabateene dee Beerta Ilma Xasan Dalab ayaa loo guuraya iyo loo guuri maayo yaanu wakhtigu inagaga dhammaane Dhako kale keena.

Tusan:
Muniir Axmed Cigaal
Sweden

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top