Connect with us

somalilandtoday.com

Maxamuud Xaashi Iyo Askariguba , Xirsi Waxaad Isku Jirtaan Cirka Iyo Dhulku Intay Isku Jiran’e (Mukhtar Ali Aden

Articles

Maxamuud Xaashi Iyo Askariguba , Xirsi Waxaad Isku Jirtaan Cirka Iyo Dhulku Intay Isku Jiran’e (Mukhtar Ali Aden

Dhaqankii Somalida ee ahaa iska celi waxaa bedelay in aad xumaanta kaga hortagto wanaaga. Marka ay sidaas tahay

fikirkan qabaliga ah ee ku salaysan iska celi reer hebel saw in aan bedelno maaha.

Qaraarada xanuunka badan (spindel decision) ee uu reer kaga tanaasulo wax uu xaq u leeyahay ayaa heshiiyada iyo horumarkuba ku xidhanyahay.

Ku jiq sii saw jujug meeshada joog ma aha?

Hada ogow oo qarankan aad leedahay . Xirsi ayaa baabiinayaa , ma baabiinaye ee askatan meesha fadhisa ayaa baaniinayam iyo tuugan maxamuud xaashiy’e

Bulshadu wakhtiyadii hore ee dowladuhu inagu cusbaayeen , ka hor 70-nayadii nin

wax lunsan jiray ma uu jirin , waayo ceeb ayey ahayd in nin wax boobay isqarin mooyee , dadka la soo hor fadhiisto nac nac meesha aan looga baahnayn , oo qofku haduu wax lunsado qofkale ayuu ku qori jiray si guri uu dhisanayo iyo baloodba ,wax wayna ma ahayn waayo qofka bulshadu ogaato inuu wax cunay waa la hiifi jiray , dhaga-hadalka ayaa ku badnaan jiray ama waala dili jirayba , sheeko gaaban bal ila milicso , dowladii Askarigii siyaad bare wuxuu 100 shiling soomali ah ku khaarijiyey ama lagu daldalay (IHN ) oo nin habro wadaag ahaayeen , madaxweynihii hore ee dalka Djabouti Hasan Guled Abtidoon , Codsigii madaxweyne Hasan guled marnaba kamuu yeelin askarigu , xataa u gaadhay lacagta anaa bixinayaaya , sida runta ah ninkaasi waxaa ku dhinaatay boqol shilling 100 sh , isaguna ma uu cunin ee mid shaqaale hoosaada ayaa waraaq ugu riday lacagta 100 sh kasaaray , Habada hadii bal ka warama bulshadeenii kii wax cunaa uu geesi yahay saxaafadana la soo fadhiisto kajaaa-kajaaa , Ninkii wanaagsanaa lagu haysto maxaad wax la cuni wayday , ma sidaasi ayaa qaranka lagu maamulayaa , waar hadaad ilaahay garanaysaan askariga iyo kan caaloosha wayn-le ee ina xaashiye”e sida ugu dhaqsaha badan ma iskaga qabanaa????
Bulshadeenii waxaa iskaga keen qaldan ,Tuuga iyo Daacadnimada , hadaba hadii bulshadeenii ay wanaaga u taagano ama geesi u taqaano , ninka wax dhaca ee xaaraanta caadaystay , ninka geesiga ee wanaaga ilaahay ku manaysto , waxa loo yaqaanaa waa nin boorash , ama kaasi nin maaha

Xigmada bini’adamka kuma jirto in qaranka, cid gaari u boobto dagaalka ina xaashi iyo askarigu wuxuu ahaa sidii dalka loo boobi lahaa , ayna ku heshiyeen dalkana wax ay hanbeeyeen ma ay jirinto , wakhtigii ka danbaysay mudane: Xirsi xaaji hasan waa hogaamiye hadafkiisa ,hiigsigiisa, himiladiisu ay cadahay , cibaado badan beena lagu sheegi Karin , karti iyo aqoonteedana lahaa .. Hogaamintana waa hibo eebe kumanaysto umadiisa wuxuuna ,Xirsi ahaa kuwii ilaahay quraankiisa ku sheegay (Ulul-Albaab) Qofkasta oo bulshadeena ka mida ninba waxa uu taro taariikhda ayaa xusaysa . waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkayga

Maxamuud xaashow adiga iyo askarigu , “waxba yaan ciiro la isku qarin’e” sidaan wada ognahay maxamuud xaashi dalkii waa dhacay guryo badan ayuu ingiriiska ku leeyahay casimada London, Birmigham . Dadka waxba ha u sheegin been aan raad lahayn , waxaad ahayd ninkii cunay dhamaan lacagihii abaaraha dalka oo guud ahaan dhamaystirnayd $32 milyan oo askariguna kula boobay dalka ,Askariga laftiisuna Hargaysa guryo badan ayuu ka dhistay oo nuuca loo yaqaano kiro u joog, akoonka ay isticmaalayeena waan garanaynaa , way badaleen markii hore wxuu ahaa mahamuud haashi markii danbana wuxu ahaa EDH_HQ FINANCE

Askariga, Amina waris iyo ina xaashiy”e dagaalka xirsi ay ku qaadeen waxaa la banaystay in dalka lagu boobo , waxa ka mid ahaa, Saldhigii militari ee imaaraadka iyo dahabkii buurta siimoodi Awdale , Daalo iyo fooxii oo shaqsiyaad gaara lagu wareejiyey . askariga waan ogayn inuu 7 march 2014 uu xirsi hala eryo yidhi, markaasuu dhamaan sacad muse uu isku yeedhay sidii caadada u ahay quruurado batrool ah ayuu madax-tooyada ku tureen, wadadiina waa la xidhay , dhalintii sacad muusaha, saxafadoodii dhamaan waa la xidhay ,Askariya iyo ina xaashi waxay aamina waris ugu han jabeen in jabhad ahaan uu u bixi doono muuse biixi dhamaan askarigu iyo ina xaashi waxay abaabuleen , mudaharaad , Borama, gabilay , Berbera , Hargaysa , markaa dalka ma kuwaasi Ayaan ku daawaanaa???? Jawaabtu waa halkiina

waxba yaan been la isku sheegine maamulka jeegaantu ilaahay iyo umadiiba waa kala dhinteen , su,aashaydu waxaa weeyi bulshooy hadmaan ficil-yeelaynaysaan oo aad iska qabanaysaan tuugtaa alle ka go’day??

N.B “ NINKA BIIDAY , NINKA CIIRSADAY YAA KA LIITA “

QORE : Mukhtar Ali Aden

(Yaabe99@hotmail.com)

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top