Connect with us

somalilandtoday.com

Malaysia: Dumar Qoob Ka Ciyaar Ku Sameeyay Masaajid Hortii Iyo Maamulka Masaajidka Oo Go’aan Ka Soo Saaray

focus

Malaysia: Dumar Qoob Ka Ciyaar Ku Sameeyay Masaajid Hortii Iyo Maamulka Masaajidka Oo Go’aan Ka Soo Saaray

(SLT-Malaysia) Maamulka masaajid ku yaalla waddanka Malaysia ayaa mamnuucay in dadka dalxiiseyaasha ah ay soo booqdaan, ka dib markii internet-ka lagu shaaciyay muuqaalka labo gabdhood oo qoob ka ciyaar ku sameynaya Masjidka hortiisa.

Gabdhahan oo xidhnaa dhar gaagaaban, jirkoodana uu meelo ka qaawanaa ayaa muuqaal laga duubay iyagoo ku ciyaaraya afaafka hore ee masjidka, oo ku yaalla magaalada Kota Kinabalu ee ka tirsan jasiiradda Borneo.

Booliska dalkaas ayaa hadda isku dayaya iney aqoonsadaan dumarkaas, oo lagu qeexay in muuqaal ahaan ay u egyihiin dadka ka soo jeeda bariga Aasiya.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda dalxiiska ee gobolka Sabah ayaa sheegay in cajaladda la shaaciyay ay muujisay “inaan wax xushmad ah loo muujinin dadka muslimiinta ah ee ku cibaadeysta masjidkaasi”.

Maalintii Axadda ahayd ayuu guddoomiyaha maamulka Masjidkaas sheegay in gaadiidka dadweynaha aan loo oggolaan doonin iney dad dalxiiseyaal ah geeyaan masjidkaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay iney arrintaas kala sii hadli doonaan hay’adaha ay khuseyso, si looga hor tago in mar kale ay dhacaan falal noocan ah.

Dadka ajaanibta ah ee dalxiis ahaanta u booqda masaajida ku yaalla dalka Malaysia ayaa lagu boorriyay iney is asturaan.

Dhacdadan ma aha tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo laga soo tabiyo waddanka Malaysia, gaar ahaan gobolka Sabah.

Sannadkii 2015-kii ayay mas’uuliyiinta gobolkaas ku eedeeyeen koox dalxiiseyaal ah iney isku qaawiyeen dusha sare ee buur lagu cibaadeysto, ka dib markii uu dhacay dhulgariir dilay 16 ruux.

Sarkaal maxali ah ayaa ku tilmaamay dhacdadan “mid xushmad daro ah”
Marar kale oo ay dad dalxiiseyaal ah dhibaato kula kulmeen waddamo ay ajnabi ku yihiin

Bishii Janaayo ee sannadkan 2018-ka: 10 dalxiise oo ay ku jiraan 5 qof oo u dhalatay Ingiriiska ayaa loo maxkamadeeyay arrimo la xiriira anshax xumo dhanka galmada ah oo la sheegay iney ku sameeyeen waddanka Cambodia.

Bishii Nofeembar ee sannadkii 2017-kii: 2 qof oo u dhalatay Mareykanka ayaa lagu xiray dalka Thailand, ka dib markii ay iyagoo qeybo ka mid ah jirkooda qaawanyahay tageen goob lagu cibaadeysto.

Bishii Meey ee ee sannadkii 2017-kii: Gabar dharka xayeysiisa ayaa caro ka abuurtay dalka New Zealand, ka dib markii ay iyadoo qaawan sawir iskaga qaadday meel loo aaminsanyahay iney tahay goob barakeysan.

Bishii Abriil ee sannadkii 2014-kii: Dalka Sri Lanka ayaa laga soo musaafuriyay haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska, ka dib markii lagu arkay shaabbad ka uu ku sawiranyahay ilaah ay dadka waddankaas qaarkood caabudaan oo ay ku xardhatay garabka.

Haweeneydaas ayaa goor dambe magdhow ahaan loo siiyay lacag dhan 5,000 oo doolar, ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa ee dalka Sri Lanka ay xukuntay in arrinteeda si khaldan looga dhigay fadeexad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top