Connect with us

somalilandtoday.com

BAYDHABO: Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Culayska Ka Haysta Doorashada Iyo Inuu Mar Labaad Kursiga Ku Soo Noqdo .

focus

BAYDHABO: Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Culayska Ka Haysta Doorashada Iyo Inuu Mar Labaad Kursiga Ku Soo Noqdo .

(SLT-BAYDHABO)Madaxweynaha Maamul goboleedka Dalkaasi Soomaaliya ee  Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa ka hadlay cadaadiska maalmihii ugu dambeeyay uu ka dareemayay dhanka dowladda Soomaaliya iyo kalsoonida uu qabo.

Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay jireen culeesyo kaga imaanayay dhanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana musharixiinta qaar ay taageero ka helayaan dhanka dowladda.

Shariif Xasan, wuxuu si cad u sheegay inuu ku kalsoon yahay xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed, uuna ku rajo weyn yahay in markale xildhibaanada u dhibaan hogaaminta Koofur Galbeed.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayuu u diray fariin ah in looga baahan yahay inay badbaadiyaan Koofur Galbeed, isaga oo sheegay inuu ka doonayo in markale isaga ay dib usoo doortaan.

Wuxuu sheegay in intii uu hayay xilka madaxweynaha Koofur Galbeed inuu wax badan u qabtay shacabka deegaanada Koofur Galbeed, uuna ka shaqeyn jiray danta shacabka Koofur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa qarka u saaran in uusan kusoo laaban kursiga Madaxtinimadda Koonfur Galbeed, ka dib markii Magaalada Baydhabo ay tageen Siyaasiyiin taageero ka helaya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwo Shacabku taageersan yihiin.

17 Bishaan ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana dhamaan musharixiinta loo ogolaaday inay tartami karaan, kadib markii kulamo kala duwan ay qaateen xubnaha Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top