Connect with us

somalilandtoday.com

Afhayeenkii Hore Al-shabaab Mukhtaar Roobow Oo Madaxweyne U Tartamaaya.

focus

Afhayeenkii Hore Al-shabaab Mukhtaar Roobow Oo Madaxweyne U Tartamaaya.

(SLT-BAYDHABO)Hogaamiyihii labaad ee Alshabaab, marna ahaan jiray afhayeenka xarakada, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa lagu dhawaaqay inuu u tartami karo madaxweynenimada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, sida ay ku warramayso idaacad maxalli ah oo ay soo xigatay qaybta radio lugo badan

“Guddiga doorashooyinka ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu u istaagi karo doorashada madaxweynenimada” ayaa lagu yiri warka ay idaacaddu sii deysay.

Barta internetka ee idaacadaas ayaa lagu qoray “guddigu wuxuu soo saaray shuruudaha hordhaca ah ee la xiriira doorashada madaxweynenimada

Mukhtaar Roobow, oo si rasmi ah uga baxay xarakada sannadkii 2017, ayaa goor sii horraysay waxaa ka mamnuucay inuu loollan u galo qabashada xafiis dadweyne dawladda dhexe ee federaalka.

Xukuumadda federaalka waxay sheegtay in sababta ay uga mamnuucday inuu tartamo ay tahay mid la xiriirta xayiraado ka saaran dhinaca beesha caalamka, kuwaasoo aan laga qaadin.

Roobow wuxuu ka mid yahay dhowr iyo toban musharrax oo u taagan inay xilka kula loollamaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, doorasho ka dhici doonta magaalada baydhabo muddo ka yar seddex todobaad.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top