Connect with us

somalilandtoday.com

War Wayn Oo Turkigu Soo Saaray: “Jidhkii Jamaal Kashoggi Waa La Jarjaray Kadibna Waa la Qariyay”.

focus

War Wayn Oo Turkigu Soo Saaray: “Jidhkii Jamaal Kashoggi Waa La Jarjaray Kadibna Waa la Qariyay”.

(SLT-Ankara)Xeer ilaaliyaha guud ee Turkiga ayaa sheegay in la jarjaray Meydka jamaal khashoggi kadib markii labadii 2-October lagu dhex khaarijiyeey Qunsiyaladda uu sucuudiga ku leeyahay Isntaanbul.

“Tani waxaa loo Aqoonsaday qayb ka mid ah qorshe la qorsheeyey ee lagu dilay Jamaal, sidaas waxaaa lagu sheegay hadal kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee turkiga.

hadalkan kaso baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa noqonayaa mid horey u shegeen sirdoonka turkiga oo horeyna warbaahinta ula wadaagay in wariyihii wax ku qori jiray Wargayska Washinton post Jamaal khashoggi la jarjaray.

“Jidhka dhibbanaha kashoggi ayaa la jarjaray kadibna la Qariyeey marku dhintay jamaal ,” ayaa lagu yiri hadalka kaso baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Jimcihii dalbaday in Sacuudi Carabiya ay Cadayso halka lagu qariyeeyMeydka jamaal iyo 18 Qof ee lagu tuhmay inay kadambeyen dilkii Mr Khashoggi.

Sucuudigu waxay soo bandhigeen sheekooyin ku saabsan Khashoggi, iyago marka hore diiday inay qirtaan in Qunsuliyadooda turkiga lagu dilay khashoggi ka hor inta aysan ku doodin in kooxo khiyaano wadata ah, oo intooda badan ka tirsanyihin sirdoonka Sucuudiga,amarna uu siiyo dhaxalsuge Maxamed Binu Salmaan ay mas’uul ka ahaayeen geerida Khashoggi. Xeer ilaaliyaha guud ee Sucuudiga ayaa sidoo kale qiray in Khashoggi lo dilay si naxariis darro ah.

Baarayaasha Turkiga waxay sii wadaan inay raadiyaan Cadaymo dheraad ah oo ku saabsan halka lagu qariyeey qaybo kamid ah jirka Wariye Jamaal khasoggi.

Ilo ku dhow Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa usbuucii la soo dhaafay u sheegay CNN in meedka Khashoggi ee aan loo aqoonin halka lagu qariyeey.

“Waxaan ka codsanay saraakiisha Sucuudiga halka lagu qariyeey meydka jamaal iyo inay gacanta nooso galiyaan kooxihii dilka geeystay ,waxaana u sheegnay in Boqortooyada ay waajib ku tahay in kooxaha kadambeyeey dilka khashoggi nogu kenaan istaanbul si cadaalada lo horgeeyo Ciqaab addagna la marsiiyo ,”sidaas waxaa Arbacadi CNN u sheegay Sarkaal sare oo u dhashay Turkiga .

“Saraakiisha Sucuudigu waxay u muuqdaan kuwo daneynaya in ay ogaadaan cadaymaha ay hayaan masuuliyiinta Turkiga ee ku saabsan cadaymaha laga hayo 18-kii sarkaal ee dilka kadambeyey . Si kale haddii loo dhigo, ma aynaan helin aragti ah in ay doonayaan inay si dhab ah uga shaqeeyaan baaritaanka kiiska dilka ah , “ayuu yiri sarkaalkas oo CNN La hadlay.

Xeerilaaliyaha guud ee Sacuudiga oo Axaddii tagay Turkiga si uu ula kulmo dhigiisa Turkiga. Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in diyaaradi siday dib ugu celisay Sacuudiga Arbacadii, isagoo la kulmay xeer-ilaaliyaha guud ee Istanbul laba jeer,kana wadda hadleen dilka khasoggi.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Turkiga ayaa oo so hadal qaaday kulanka uu la qaatay dhigiisa Sucuudiga wuxuuna sheegay ” Turkiga iyo Sacuudi waxay isku raaceen in ay baaraan, raadiyaan ayna soo bandhigaan dhammaan faahfaahinta dhacdooyinka la xiriiray jamaal iyo dhammaan in la horkeeno cadaaladda kuwi fuliyeey qorshihii lagu dilay khashoggi. “

Hase yeeshe, hadalkan ayaa lagu yiri, Sucuudigu kama jawaabin seddex su’aalood oo ay masuuliyinta turkigu waydiyeen waxaana kamid ah ,meesha Khashoggi Meydkiisa lagu qariyeey; haddii baarayaasha Sacuudiga ay hayaan caddayn ku saabsan qorshaha dilka khashoggi; iyo aqoonsiga wada-xaajoodka “iyo kawadda shaqeeynta baritaanka keynta laga baadi goobayo meydka jamaal kashoggi oo la amiinsanyahay in halkaas lagu aasay.

“Inkasta oo dadaaladayada ay badanyihiin si niyad ahna baritaanka u wadno ,hadana , natiijooyin dhab ah kama soo baxin kulamadan, “”ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud ee Istanbul, isaga oo intaa ku daray in ay tahay waajib “in la wadaago faahfaahinta ku saabsan sida Khashoggi loo dilay oo uba sheegay xeer ilaaliyaha in la ceejiyeey khashoggi kadibna jirkiisa xubin xubin a loo jarjaray.

Dhinacooda Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay samayn doonto baaritaano buuxa oo hufan isla markaana la filayo in tuhmanayaasha lagu la ciqaabi doono.

Ka dib markii Sucuudigu qirtay in Khashoggi lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul , shan sarkaal oo sare ah ayaa laga eryey shaqadii, oo uu ku jiro madaxa warbaahinta ama dhinaca Media u qabilsana Amiir Maxamed Bin salmaan iyo madaxi sirdoonka Sucuudiga. iyaddo 18 qof sucuudiga shegeen inay u xireen dilki khashoggi.

Boqor Salmaan iyo Wilkiisa Maxamed Binu salmaan waxay ku adkeysanayaan in aysan ogeyn howlgalka lagu beegsaday Khashoggi. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in howlgalka noocan oo kale ah – oo ay ku jiraan 15 Sirdoon ah oo laga soo diray Riyadh – aan la fulin karin iyada oo aan oggolaansho laga helin Boqor Salmaan .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top