Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Xooggan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

focus

Qarax Xooggan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-War goor dhowayd na soo gaadhay ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay Wadada Maka almukarama ee magaalada Muqdisho.

Wararka horudhaca ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaadhi la dhigay wadada, gaar ahaan intabu dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka.

Qof goobjooge ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaadhi lagu xidhay waxyaabaha qarxa
Illaa iyo hadda si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo xilli hore ay tahay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaadhay goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xidhay wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan.

Wadada Maka almukarama ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top