Connect with us

somalilandtoday.com

Mid Kamid Ah Ganacsatada Ugu Waa Weyn Imaraadka Oo Sheegay In Dubai Ka Faa’iiday Burburkii Soomaaliya .

advertise

Mid Kamid Ah Ganacsatada Ugu Waa Weyn Imaraadka Oo Sheegay In Dubai Ka Faa’iiday Burburkii Soomaaliya .

(SLT-Dubai )Hussain Sajwani, waa Ganacsade u dhashay Dalka Imaaraadka, waa milkiilaha sharikadda Damac Properties, waxaa uu ka warbixiyay sababta ay Dubai u noqotay xarunta Ganacsiga Caalamka.

Xuseen waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka faa’ideysatay burburka Dalalka Ciraaq, Soomaaliya, iyo Kuwait.

Waxaa uu Wareysi siinayay CNBC, oo laga leeyahay Mareykanka, xafiisyo cusubna ka furatay Magaalada Dubai, halkaas oo uu ka qeybgalay laguna wareystay.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay dagaalkii Ciraaq iyo Iran ee 1980 ilaa 1988dii, faragelintii Ciraaq ee Kuwait sanadkii 1990kii iyo bur burkii Soomaaliya ee 1991dii.

Ganacsade Hussain  Sajwaan ayaa sheegay in Dubai ay markasta ka faa’ideysato dhibaatada ka jirta Gobolka ugana faa’ideysato si sahal ah.

Waxaa uu sheegay in maalqabeennada dalalka ay colaadaha iyo khilaafyada siyaasadeed ka dhacaan ay Hantidooda u soo wareejiyaan Dubai, halkaas oo amaan ah, waxaana uu sheegay in arrintaas ay fursad u tahay Imaaraadka.

Waxaa uu ku faanay in Dubai ay marti geliso dad ka yimaada dalalka China, Hindiya, Syria, kuwa Europe iyo Afrika inteeda kale, kuwaas oo Hantidooda ku badbaadsanaya Dubai.

Hantidiisa waxaa ay gaadheysaa $2.6 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah, waxaana uu wax ku bartay dalka Mareykanka.

Wuxuu leeyahay  shirkada ugu balaadhan ee dhismayaasha dubai xafsiiyada Ganacsade   Hussain Sajwani, markaad tagto xaataa gabdhaha muslinka ah ee ka soo jeeda wadamada carabta wuxuu u ekeeysiyey sidii dumarka cadaanka oo waxaa ka manuuc ah xafiisyada qamaar iyo cabaayado xaataa astaan islaannimo wuu u diiday asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa dalka Iran laakin wuxuu leeyahay dhalashada imaradka carabta. Somalilamdtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top