Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenka Ku Nool Dalka Kuuriyada Waqooyi Oo Tacaddiyo Galmo Loo Geysto

focus

Haweenka Ku Nool Dalka Kuuriyada Waqooyi Oo Tacaddiyo Galmo Loo Geysto

(SLT-Pyongyang)-Ha’yadda Human Rights Watch waxay sheegtay in tacaddiyada galmada ah ee lagu hayo haweenka ku nool dalka Kuuriyada Waqooyi ay noqotay mid caadi ah oo maalin kasta la gaysto, haween kasoo baxsaday tacaddiyada ayaa dadka u ololeeya xuquuqda haweenka u sheegay in dhibaatadan ay gaystaan rag xilal ka hayo dowladda Kuuriyada Waqooyi kuwaaso aanan wax ciqaab ah la marsiinin.

Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in haweenka Kuuriyada Waqooyi aysan dhibaatada lagu hayo ay sheegan karin isla markaasna ay ka cabsoonayaan ceeb uga timaato bulshadooda

Hey’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights watch ayaa wareysiyo la yeelatay ilaa 54 haween iyo 8 qof oo isaga cararay dalka kuuriyada waqooyi

Tan iyo sanadkii 1990-kii dumar badan oo la qabo ayaa jirkooda iibinayay si ay lacago ugu keenan qoysaskooda.

Balse arrintan ayaa sare u sii qaaday halista ah in tacadiyo loo geeysto. Mid kamid ah haweenka ayaa hay’adda Human Rights Watch u sheegtay in ilaalada suuqa iyo saraakisha booliska ay ka dhigteen goob ay shahwadooda ku gutaan.

Waxayna intaasi ku dartay in dumarka dhibaatada ay ragaasi kala kulmaan ay kamid noqotay noolal maalmedkooda.

Haweeney kale ayaa ka hadashay tacadiyada ay kala kulantay ilaalada xabsiyada waxayna sheegtay in habeen walba ay mid kamid ah dumarka xabsiga ku jira kufsanayeen.

Hay’adda Human Rights watch ayaa sheegtay in hogaanka Kim Jong-un uusan fursad u siinin in la maqlo tacadiyada ay dumarka la kulmayeen waxayna hay’adda ugu baaqeysa in dowladiisa ay qaado talaabo degdeg ah oo dhibaatadaas lagu xalinayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top