Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeneydii Ugu Horreysay Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Itoobiya

focus

Haweeneydii Ugu Horreysay Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Itoobiya

(SLT-Addis Ababa)-Haweeneydii ugu horeysay ayaa loo magacaabay inay noqoto Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Itoobiya iyadoo maanta lagu hordhaariyay Baarlamaanka Itoobiya.

Ms Meaza Ashanafi ayaa waxaa dhowaan u magacaabay inay noqoto guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Itoobiya ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Abiy Ahmed oo muddo toddobo bilood ah haya xilka ra’isul wasaaraha dalkiisa ayaa golihiisa wasiirada waxaa xubin ka ah toban dumar ah iyadoo golaha wasiiradana ay ka kooban yihiin labaatan wasaaradood.

Sidoo kale waxa uu Abiy u magaaabay Madaxweyne haweeneydii ugu horeysay ee xilkaas ka qabato dalka Itoobiya.

Haweeneyda loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ms Meaza ayaa ah 54 sano jir garsoore ka noqotay Maxkamada Sare e Itoobiya waxayna dhowaan aasaastay kana mid noqotay Guddiga maamula Bangiga Enat.

Ms Meaza ayaa shahaadadii ugu horeysay waxa ay ka qaadatay Jaamacada Addis Ababa iyadoo waxbarashada sare ku qaadatay Maraykanka sidoo kale waxaa ay culuunta xiriirka caalamiga ah ka qaadaay jaamacada Kent University.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top