Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Lala Beegsaday Shaqaalaha Xabsiga Ugu Weyn Dalka Afghanistan Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Qarax Lala Beegsaday Shaqaalaha Xabsiga Ugu Weyn Dalka Afghanistan Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Kabul)-Wararka saaka oo Arbaca ah kasoo baxaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday Shaqaalaha Xabsiga ugu weyn dalkaasi ee ku yaal caasimada Kabul.

Ugu yaraan 7 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen qaraxa lala beegsaday gaari bas ah oo siday shaqaalaha ka shaqeeya xabsiga ugu weyn ee dowlada, xabsigan lagu magacaabo Pul-e-Charki ayaa ku yaal duleedka magaalada caasimada ah ee Kabul.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii weerar noocaan ah oo ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta Guddiga Doorashada ee dalkaasi. Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey weeraro badan ka dhaceen dalkaasi Afghanistan oo ay todobaad kahor ka dhacday doorashada guud.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top