Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Koonfurta Suudaan

focus

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Koonfurta Suudaan

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa goor dhawayd ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeedda dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa uga qayb-galaya dalka Koonfurta Suudaan munaasabad lagu dhammeystirayo heshiiska nabadda ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalkii ugu dambeeyay Afrika.

Xalfadda waxaa kalo ka qaybgalaya hoggaamiyayaasha Midowga Afrika iyo ururka gobolka ee IGAD, kuwaas oo si dhow ula socday xaaladda dalka Koonfurta Suudaan oo dhinacyada siyaasadda isku haya ay dhowr mar ku dagaallameen.

Dowladda Koonfurta Suudaan iyo fallaagada ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo lagu doonaya in xabad joojin waarta laga dhaqan geliyo dalkaasi horraantii bishii Luulyo ee sanadka 2018-ka. Heshiiska ay wada gaareen madaxaweynaha Koonfurta Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa dhigayay in xabad joojin lagu tallaabsado.

Heshiiskan wuxuu ka qayb yahay dadaalka ay wadaan hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ay ku doonayaan in xabad joojin laga hergeliyo dalka Koonfurta Suudaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top