Connect with us

somalilandtoday.com

Fallo: Madaxweyne Muuse Handaraabka Handaraabyada.

English

Fallo: Madaxweyne Muuse Handaraabka Handaraabyada.

(SLT-Hargaysa)Wasaaraddii Warfaafinta ee ballaadhnnayd, isbeddel weyn ayaa ku dhacay, tan iyo intii uu yimid ninkaa Ina Guri Barwaaqo ee hablaha caayay.

Idaacaddii weynayd ee Radio Hargeysa ee laga dhegaysan jiray Africa iyo Asia waxa ay fadhiisatay bil kadib markii Muuse xilka la wareegay. Waxa keli ah ee muddadaa la dhegaystaa waa Qaybta (FM-ta) oo keli ah oo ka shaqaysa gudaha magaalooyinka waaweyn ee Burco, Boorame iyo Hargeysa oo qudha. Xataa imika Ciidamada Qaranka ee jiiddu waxa ay dhegeystaan Radio-Garowe.

TV-gii qaranka qaybtiisii Local-ka ahayd ee gudaha ayuu iyadana shucaac hadheeyay, kadib markii uu godkoodii (Tower) galay Eryal Tv.

Waxa kale oo jira in mishiinnadii ku shaqayn jiray shidaalka ee kharashka u badani ku bixi jirey lagu beddelay (Solar System) taasina iminkka ma shaqayso oo wakhtigii Caddaanni ayaa ugu danbaysay.

Iminka Wasaaraddii Warfaafintu waxay noqotay meel laga daba galo TV-yada kale wararkooda bal wixii Xukuumadda ku lid ah iyo wixii ay Madaxweynaha ka sheegaan iyo wax noocaas ah (Monitoring) arrintaas oo ah ta keli ah ee uu Wasiirku ku hawlan yahay. Mashruucaas monitoring ka waxa lagu cunay lacag 100,000$ ka badan. Waa nin Tvgiisii/idaacaddiisiiba handaraabantay oo haddana dadkii kale dabagalaya!

Isbeddalkii Muuse ma waxa uu noqday in uu handaraabo wixii kii ka horreeyey ee aynu la yaabbanayn lahaa waan yabyabay? Guri Barwaaqo shaqada uu Muuse u qabto ha la raadiyo, illeen sidani waa waalli huruud ahe.

Abwaan Sakariye Awaare.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top