Connect with us

somalilandtoday.com

Dalladaha Ururada Bulshada Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay In Haweenka Xaqooda La Siiyo Xukuumadda Iyo Xilalka Kaleba.

focus

Dalladaha Ururada Bulshada Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay In Haweenka Xaqooda La Siiyo Xukuumadda Iyo Xilalka Kaleba.

(SLT-Hargaysa)Dalladda Ay Ku Bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ee SONSAF ayaa maanta kulan ballaadhan oo ay ku qabatay xaruntooda dhexe ee Caasimadda Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah gaar ahaan Ururrada Haweenka Somaliland ee dhammaanba Gobolada dalku waxa lagaga hadlay saluugga weyn ee Ururrada Bulshadu ka qabaan saamiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xukuumadda ka siiyey Haween weynaha Somaliland.


Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Md. Anwar Cabdiraxmaan Warsame, Agaasimaha Fulinta Dalladda SONSAF Md. Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani, Madaxda Dalladdaha ee Nagaad, SONYO, SOLJA, iyo badiba Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland gaar

ahaan kuwa Haweenka ayaa waxa gabogabadiisii shirkaasi laga soo jeediyey Baaq midaysan oo ay Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland kaga hadlayaan walaaca ay ka qabaan in aanay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi siinin doorkii laga filayay in ay haweenka ka siiso iyaga oo farriintaasi ku socodsiiyey Madaxweyne Muuse Biixi. Baaqaasi oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha dalladda SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo uu saxaafadda u akhriyey ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
BAAQ (DECLARATION)

Ujeeddo: BAAQ ay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

Mudane Madaxweyne,

Sida aad ka warqabtid, Haweenka Somaliland waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismaha dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo Bulshaba ee Jamhuuriyadda Somaliland, Haweenku waa rukunka ugu wayn ee geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka Somaliland, iyaga oo ah codbixiyayaasha ugu badan ee doorashooyinka Somaliland, hase ahaatee, haweenku marnaba kama helin saamigii ay mudnaayeen xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxa Xisbiga Kulmiye ballan qaaday in haddii Xisbigu marlabaad talada dalka ku guulaysto uu xukuumaddiisa ka siin doono 30% Haweenka Somaliland.

Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxa aad taariikhdu markay ahayd 28/12/2015 saxeexday warqad ballanqaad (Committment Letter) oo sumaddeedu tahay XK/XGX/00421/52/2015 oo aad ku caddeynayso in 30% Xukuumadaada aad ka siin doono Haweenka Somaliland.

Mudane Madaxweyne markii aad talada dalka ku guulaysatay, waxa ay markale Dalladda Haweenka ee NAGAAD kuu soo gudbiyeen warqad rasmi ah oo ku taariikhaysan 3/12/2017 Warqaddaa Haweenka Somaliland waxa ay kugu xusuusinayeen ballanqaadkii aad samaysay wakhtigii ololaha doorashada. ,

Iyada oo intaas oo ballan qaad ahí jirtay, haddana, Mudane, Madaxweyne Golahaagii wasiirada ee aad ku dhawaaqday bishii December 14, 2017, waxa aad haweenka Somaliland ka siisay laba wasiir iyo hal wasiir ku xigeen oo kaliya.

Ka dib markii aad soo saartay liiska Golahaaga Wasiirada, Mudane madaxweyne, Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland waxa ay 15 January 2018 kulan ay kuugu yimaadeen Madaxtooyada kaaga codsadeen in aad kaalintooda ka siiso haweenka Somaliland Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Qaranka ee aad magacaabi doonto. Nasiib darro, Mudane Madaxweyne waxa aad magacowday 24 Agaasime guud oo aanay wax haween ah ku jirin.

Intaa wixii ka dambeeyay, Mudane Madaxweyne waxa aad soo saartay digreetooyin madaxweyne oo aad ku magacowday masuuliyiin hay’ado kala duwan sida Guddoomiyayaasha Gobolada, la taliyayaal Madaxweyne, iyo Guddoomiyayaasha/Agaasimayaasha hay’adaha madaxa banaan ee dawliga ah oo dhamaantood aanay haweenku xaqqoodii ay mudnaayeen ka helin.

Ugu dambayn, taariikhdu markay ahayd 16 bisha October, waxa aad Mudane Madaxweyne soo saartay digreeto Madaxweyne oo aad ku magacowday 19 Xil oo aanay haba-yaraatee wax haween ahí ku jirin.

Sidaa awgeed, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ka niyad jabsanyihiin sida ay Haweenka uga maqanyihiin Xukuumaddaada.

Haddaba, Mudane Madaxweyne, Ururada Bulshada Rayidka ahí waxa ay mar kale kuugu baaqayaan in aad Haweenka ka siiso kaalinta ay xaqqa u leeyihiin Xukuumaddaada, adiga oo fulinaya ballanqaadyadii kala dambeeyay ee aad samaysay”. Baaqan waxa ku saxeexnaa Guddoomiye

Anwar Cabdiraxmaan Warsame

Guddoomiyaha SONSAF

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top