Connect with us

somalilandtoday.com

Baanka Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay Lacag Dhan 80 Milyan Oo Doollar.

focus

Baanka Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay Lacag Dhan 80 Milyan Oo Doollar.

(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya iyo Baanka Adduunka ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiiska deeqdii lacageed ee dhawaantan loogu deeqay Soomaaliya. Lacagtan oo gaaraysa 80 milyan oo doolar ayaa 60 milyan oo kamid ah waxa loo qoondeeyay mashaariicda dibu qaabaynta hay’adaha maaliyadda ee dalka Soomaaliya, iyadoo 20 ka milyan ee kale loo qorsheeyay mashruuca awood siinta hay’adaha maaraynta dakhliga gudaha.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa dhinaca Dawladda waxa u saxiixay wasiirka maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, dhinaca Baanka Aduunka waxa u saxiixay agaasime goboleedka.

Lacagtan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Baanka Adduunka uu siiyo Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay Dawladdii Dhexe 1991 kii. Baanka Adduunka ayaa wadashaqayntii uu la lahaa dawladda Soomaaliya soo celiyay 2013 kii.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top