Connect with us

somalilandtoday.com

Xanafta Doorashadii Yaa Ka Masuula Waddani, Kulmiye W/Q Xasan Maxamed Muuse

Articles

Xanafta Doorashadii Yaa Ka Masuula Waddani, Kulmiye W/Q Xasan Maxamed Muuse

Waxaynu soo marnay doorasho loolan adag oo cidiyo ku dagaalan gaadhay oo dhexmartay labadii xisbi ee ugu awooda badnaa ololaha Kulmiye iyo waddani

Ayaa la isku adeegsaday xeelad walba oo midba midka kale siduu uga badin lahaa

Waxaa inbadan dhagaha bulshada aad ugu soo noqnoqotay ama aad loogu canaantay Madaxwaynaha hada talada haya inuu xaliyo xanaftii doorashada hadaba waxaynu diirada saari doonaa yaa inta ugu badan ka masuula erayada dhaliyey xanaftii doorashada Waddani iyo kulmiye, sidaynu lawada socono waxaynu soo galnay dooorashadii ugu xamaasada badnay intii Somaliland jirtay waxaana sababay nidaamkii axsaabta oo aad iskugu badalay hab qabaa illeed,

Waxaa keenay xanafda

doorashadii laba eray oo uu xisbiga wadani ku horeeyey erayga ugu horeeya. labadaa eray oo salka kuhaya nidaamkii SNLM IYO Somaliya
Xisbiga wadani ayaa olole ugu baxay magaalada Boorama ee gobalka AWdal waxay weerar afka ah ku qaadeen Xisbiga kulmiye inuu salka ku hayo nidaamkii SLNM oo ay dadka reer awdal islahaayeen ku beerlaxawsada ayaa waxay ka jeediyeen erayo kala fogaynaya Bulshada reer Somaliland, iyo inuu murashaxa kulmiye ahaa SLNM iyo dhinaca kale waxaa jawab ka bixiyey xisbiga kulmiye isagoo iskga difaacay in mar haddii ay reer waddani ayna ogolayn nidaamkii SLNM ay somaliya u durbaan tumanayaan dabadeedna waxay jawaabtii Kulmiye jiif iyo joogba udiiday Xisbiga waddani oo aad uga cawday jawaabtii weerarkiisa la iskagaga difaacay, hadaba kawaran haddii aad weerar qaado wixii kaaga soo noqdana aad liqi waydo illayn adba hadh umaad jiidin ee dhabarka ayaad ka jabinaysay oo codbaad ku doonaysay markaad SLNM ayaa reer awdal wax yesheey aad ledahay cidda SLNM IS HAYEENA somaliya ayey ahayd

Ee shacabka reer Somaliland waa isku wada mid ee siyaasiyiintu intay danahooga waxay iskugu weeraren hadana bulshada lagu kala qaybiyo miyey tahay?

Shacabka se waxaa looga baahanyahay garnaq Cidda gardaran

Hadaba waxaa inbadan ina jahwareeriyey Xanaftii doorashada hala xaliyo hadaba maadaama ay sidan tahay waxa xanafta keenay xalkeedu ma cidgaara ayuu uyaal mise dhinacwalba?

Ma garbaa madawbaa in cid gaara lagu cadaadiyo qarankana wax lagu yeelo toban biloodna la gocdo wixii tartan aynu ku heshiinay in aynu nidaamka dalkeena uyaal ugalno kolba ciddii ku soo baxdana sidaa hogaanka ku waddo in aad falaago samayso ayey dhaawac kutahay oo waliba nidaam qabiilaysen aad ku dodo maxay ummaddu barri kugu aamini haddiiba aad timaado?………………………

qadaw30@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top