Connect with us

somalilandtoday.com

Muqdisho: Ciidamadda Itoobiya Oo Fadhiisimo Ka Samaystay Degaano Ka Tirsan Soomaliya.

focus

Muqdisho: Ciidamadda Itoobiya Oo Fadhiisimo Ka Samaystay Degaano Ka Tirsan Soomaliya.

(SLT-Muqdisho)Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee Dalkaasi Soomaliya  ayaa sheegaya inay fadhiisimo ka sameysteen ciidamo Itoobiyaan ah oo wata taangiyo iyo hub kale oo culus.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan Itoobiyaanka ah ay ka soo ambabaxeen magaalada Dhuusamareeb iyagoo fariisimo ka sameystay duleedka magaalada Guriceel oo ah magaalo meel istiraatiiji ah ku taal.

Hase yeeshee illaa hadda lama oga ujeedka ay ciidamadan fariisimada uga sameysteen magaalada Guriceel oo ah magaalo ay ku badan yihiin ururka Ahla Sunna.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa dhowaan ugu baaqay shacabka iyo ciidamada Galmudug inay u diyaargaroobaan shirka golaha iskaashiga Maamul Goboleedyda oo lagu qaban doono magaalada Dhuusomareeb,

Ciidamada Itoobiya oo isugu jira kuwo hoos taga AMISOM iyo kuwo kale oo ka madax banaan ayaa saldhigyo ku leh deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

  1. Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top