Connect with us

somalilandtoday.com

-Aduunyada Warbaa Ka Hadhee Xogtaada Hala Dhiman….Maxamed Axmed

Articles

-Aduunyada Warbaa Ka Hadhee Xogtaada Hala Dhiman….Maxamed Axmed

Reer Galbeedku inagama caqli badna inagama raganimo badna balse waxay garab is taagaan kooda guulaysta kooda guul daraystana ilaa uu ka guulaysanayo way is garab taagaan, inaguna keena guul daraystay iska daaye keena guulaysta ayaan dabada haysanaa ilaa uu ka guul daraysanayo.

-Xirsi wuxuu soo bandhigay kana hadlay xaqiiqooyinkii noloshiisa soo maray ilaa miyi oo uu ku soo koray ilaa madaxtooyo oo uu soo gaadhay, intaa u dhaxaysay noloshiisa nin inoo soo koobay oo inala wadaagay xogtaas runtii waxay ahayd inaan ku hambalyayno ee may ahayn inaan xajiin la daba taagnaano, waxa kale oo uu inoo soo bandhigay inuu ahaa Siilaanyo Hogaamiye

daacad ah oo wadankiisa iyo dadkiisa daacad u ahaa maadaama oo uu yidhi waan is casilayaa marba haddii ay xusuustaydu hoos u dhacday oo aanan waxba sii wadi karayn, taasna siyaabo badan oo loo fasirtay oo laga dhigay nin madaxweynihii isaga oo magacaabay dhaleeceeyay, qaarna ay ka dhigeen nin sir dawladeed bixiyay, wax badan baa bulshadeena isaga khaldan aqoon ahaan ayaa loo liitaa, runtii waxaan odhan karaa waa geesinimo uu muujiyay Xirsi, oo waxyaabo badan oo ku dhac leh uu ku soo bandhigay buugiisa, kaas oo aan odhan karo waa mid ku haboonaa wakhtigiisii waxaanan ka sugaynayaa qaybaha dhiman ee from madaxtooyo ilaa hogaamiyaha wadani ah.
-Waxaan kula talin lahaa nimanka siyaasiyiinta sheegta ee xogta badan haya inaanay xogta la dhiman ee ay inala wadaagaan aduunyada war baa ka hadhee.

FG: Ma ihi nin xirsi garab saaraya isku reerna ma nihin balse waxaan ahay shaqsi jecel inaan runta ka sheego wax kasta oo aan arko.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top