Connect with us

somalilandtoday.com

Qudh Muslin (Gabay): Sannad-guurada 10aad Ee Qaraxyadii Hargeysa!…W/Q Siciid Maxamuud

Articles

Qudh Muslin (Gabay): Sannad-guurada 10aad Ee Qaraxyadii Hargeysa!…W/Q Siciid Maxamuud

29kii Oktoobar 2008du, waxa ay ahayd maalin Koodaar (Arbaca) ah oo qaraxyo is-miidaamin ah lala beegsaday magaalada Hargeysa. Iyada oo la weeraray saddex xarumood oo kala ahaa: Madaxtooyada, Xarunta Haayadda Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Xafiiska ganacsiga ee Itoobiya ku leedahay Hargeysa.

Gulufkan oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 24 qof, kuna dhaawacmeen tiro badan oo kale, ayaa argaggax geliyay ummadda Hargeysa iyo bulshada adduunkaba.

Haddaba, isaga oo ka tiiraanyaysan weerarkaas dhacay, isla markaana sheegaya in ay diinta islaamku karaamaysay muslimiinta oo ay reebtay in dhiiggooda la daadiyo, in qofku naftiisa dilaana aanay ahayn wax u bannaan dadka muslimiinta ayuu tiriyay gabaygan uu

magaciisu yahay Qudh-Muslin.
Gabaygu waxa kale oo uu tibaaxayaa in jihaadku yahay fal lagu ilaaliyo xorriyadda diinta, korna loogu qaado diinta Islaamka iyo sharafta muslimiinta, ee aanu ahayn shay lagu dhibo dadka islaamka ah. Sidoo kalena waxa uu gabaygu sheegayaa in qasaarahani yahay mid ummadda ku wada dhacay oo aan ku ekayn qoys iyo cid gaar ah toona. Waxa uu ku halqabsanayaa saaxiibkii Abshir Askar Maxamed, oo ay wada joogeen marka uu gabayga samaynayay.

Ugu dambaynna waxa uu ku baaqayaa in ay ummaddu u midawdo cidda nabadgalyadeeda khalkhal gelinaysa. Ilaahayna waxa uu ka baryayaa inuu qabto cid kasta oo dhibaato wadda, una dembi-dhaafo inta xaqa ku dhimatay. Gabaygu waxa uu soo baxay 2dii Nofember 2008da.

Waxa uu yidhi:
Qorraxdii timaaddaba falbuu, qalinku gooyaaye
Qaddar Eebbe lama seegi karo, qoondduhuu dhigaye

Abshirow qasaaray rideen, qaraxyadii jaane
Qudhihii la gooyee rawaxay, qiiqi lagu hoobtay
Qulubkay abuureen dartood, waan qandhaysnahaye
Qosolkiina waan daayay amin, qaalladii timiye

Islmaanimo quruun bay ahayd, diinta qoorahane
Quraan iyo kitaab waan naqaan, qawl Rasuul yidhiye
Musxafkeennu qaybiyo malaha, qurubyo noocyaaye
Furqaan weeye qudha oon marnaba, qool-wareeg gelinne
Laba qaarna maahee waqii, waa halkaa qodob’e

Diinteenna kii qaata ee, aan mar qubahaynnin
Ee aan qisaas lagula kaco, xeerka lagu qeexin
Ama aan qoys intuu soo alkumay, qooqu dhagaraynnin
Rabbi qiimo weyn buu dul sudhay, qaayo-sharafeede
Xurmaduu Qahaar siiyay baan, cidi qiyaasteene
Waa qaali dhiiggiisu oo, qoonta muu geyinne
Qodax looma aaseen kolnaba, lagu qoryeeyaaye

Qaybaha Nisaa iyo markaan, dheehday quruxdooda
Qisadii Wadaac iyo Xajkii, Nebigu qayb qaatay
Qaraarkii udgoonaha kolkaan, qaarinnimo dhuuxay
Qoraalkoodi aan daah rogee, fura quluubtiinna

Iyadoon qofkii lagu dirqiyin, qorina loo dhiibin
Nafta goysa ruux Eebbe qiray, qaatay faralkiina
Qormadiisu waa naarta iyo, qool dabluu galo’e
Qaaddir baw cadhoonnoo jannada, wuu ka qadayaaye
Lacnad baa qudhiisana kortiyo, qiimo-beel daranne

Haddii ay Quraankiyo Sunnuhu, qawlkan dhigayaanba
Qiilkee tolow loo cuskaday, qaraxyadii hoogga
Mise qaacidaan dhaafay dhigan, qaradna waan jeexay?

Is-halaaggu waa ficil qarriban, qudhunna weeyaane
Qudh-gooyada naftaadaan ahayn, shay qaniimo lehe
Qummanii Rasuulkaa nahyiyay, qabashadiisiiye
Waa dariiqa loo qaado naar, qoomammayn badanne
Qoortii is-dooxdiyo middii, Qalax ka soo boodda
Iyo kii dhib suna qooshta ee, qabarka loo hooyo
Qiyaamaha Farduusiyo nimciyo, qabaw ma jaaraane
Qaxarkiyo rafaadkay dersaan, goob qalaanqala’e
Qaabkuu naftiisaw dilaa, qalabna loo siine

Haddii ay Quraankiyo Sunnuhu, qawlkan dhigayaanba
Qiilkee tolow loo cuskaday, qaraxyadii hoogga
Mise qaacidaan dhaafay dhigan, qaradna waan jeexay?

Inta qaab baa jihaad loo falaa, qeexan oo dhiganne
Waa in gaalka lagu qaabbiloo, lagu qafaashaaye
Waa in diinta cadawgii qodxayn, lagu qabbaanaaye
Waa in qawlka tawxiidku hiro, quruxna yeeshaaye
Qalalaase aad daartid iyo, hawl qas lagu hoobto
Qalashada islaamkaan lahayn, qayr la dheefsado’e
Qiyaamaha kolkii uu Ilaah, qoomka kulansiiyo
Qof hoggaansan kii toogtay buu, Qaaddir gubayaaye

Haddii ay Quraankiyo Sunnuhu, qawlkan dhigayaanba
Qiilkee tolow loo cuskaday, qaraxyadii hoogga
Mise qaacidaan dhaafay dhigan, qaradna waan jeexay?

Qasaaruhu dhammaanteenba wuu, gaadhay qoomyahawe
Waa qaxar na saameeyay oon, qoysna ku ekaynne
Waa qaranka nabar wiiqayoo, aan la qarinnaynne
Waa qamuunyo ficil beerayoo, qoomammuu ridaye
Waa qadaf garaadkiyo nacaan, maan qummaatiyiye
Qadhqadhyiyo lur weeyaan hirdiyay, qaaraddoo idile

Haddaad qaadataan wadajirkood, kala qubnaan diiddo
Inu nacabku qoortaas ka jabi, qiruhu noo sheegye
Qacdii horena waa waayo-arag, Mawlaheen qoraye
Ummadyahay dadkii qodi godkii, idin qudh gooynaaya
Ee qayrka aan haysanniyo, qoomi nabadeenna
Quwad xooggan baa caabbidiyo, qaanso wadareede
Qadhaadh iyo dhunkaal siiya daran, waw qalamahayaane

Qaafkayga maansiyo haddaan, gabaygi soo qeydo

Allahayow Islaamkii qaldama, qayrka ku hanuuni
Allahayow Quraankiyo sharciga, qaabsan nagu daahfur
Allahayow qallooc ruuxa wada, qabo dhibtiisoo dhan
Allahayow qofkaan xumo ku dhiman, qari dunuubtiisa

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top