Connect with us

somalilandtoday.com

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Oo Qaylo Dhaan Ka Muujiyay Qalab Xukuumaddu Keensatay Oo Ay Sheegeen In Lagu Dhagaysanayo (Basaasid) Taleefanada Dadka

focus

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Oo Qaylo Dhaan Ka Muujiyay Qalab Xukuumaddu Keensatay Oo Ay Sheegeen In Lagu Dhagaysanayo (Basaasid) Taleefanada Dadka

(SLT-Hargeysa)-Qaar ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa qaylo dheer ka muujiyay qalab isgaadhsiineed oo ay sheegeen inay Xukuumaddu keensatay kaasi o ay sheegeen in lagu baasaasayo Telefanada Dadka, waxa ay soo jeediyeen in Masuuliyiinta Wasaaradda Isgaadhsiinta oo uu ugu horeeyo wasiirka Isgaadhsiintu Dr Cabdiweli sheikh Cabdilaahi la hor keeno Golaha islamarkaana la joojiyo Rakibida Qalabkaasi oo ay sheegeen in gacanta lagu hayo farsamayntiisa.

Ugu horayn Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Siraadle oo arintaasi Shalay Golaha kaga dhex yeedhiyay ayaa waxa uu yidhi “Waxa jira Maalmahan go’aan ay gaadhay Wasaaradda Isgaadhsiintu oo ku saabsan qalab ay keenaysay oo Kubaro faro badani ka hadashay,oo aad arkayso qalabkaasi inuu Qalab dhagaysi oo keli ah inuu yahay, Dastuurka dalkuna Gudoomiye iyo Xildhibaano Qodobkiisa 30-Aad Waxa uu leeyahay “qof lama farogalin karo Qoraaladdiisa gaarka ah,Waraaqihiisa Boosta, ama Xidhiidhkiisa isgaadhsiineed”, waa qodobada xuquuqda qofka ka hadla ee aan laga gudbi Karin,waxaan soo jeedinayaa in Qodobkan Ajandaha lagu soo daro oo uu gaar ka noqdo,u yeedhista Saraakiisha loo yeedhayo, in Wasiirka Isgaadhsiinta loo yeedho, marlabaadkana qoraal loo sameeyo lagu leeyahay inta la iskala eegayo arintaasi inay hakiyaan hawshan ay gaarka u wataan, Walibana Asxaabteenii kale iyo dad weynaha kaleba way ka qaylinayaan, oo ay leeyihiin waa lanagu dhagaysanayaa”.

Sidoo kale Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah Golaha Wakiiladda ayaa iyaduna waxa ay tidhi“ Qalabkan dhagaysiga ah ee la sheegayo inuu umadda ka dhawaajiyay, haddii uu jiro anigu maba ogiye, Ajandaha halagu soo daro, cidda ku shuqul lehna, oo uu Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta ka mid yahay haloo yeedho, umadda waxay illa tahay inaan madaxa la isku galin, dadku waa wada hadlayaan, illayn milatari inama haystee,Xukuumadduna ha cadayso”.

Ugu dambayn Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciiln ayaa isna waxa hadaladiisa ka mid ahaa “halagu soo daro anjandaha Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Qalabkaasi iyo shirkadaasi la leeyahay waxbaa lagu dhagaysanayaa, waxay arintaasi ka hor imanaysaa xuquuqdii aasaasiga ahayd ee Qofka,taasina waxaan soo jeedin lahaa in lagu soo daro oo ay noqoto Qodob ka mid ah Ajandaha”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top