Connect with us

somalilandtoday.com

Musharax Xagjir Ah Oo Ku Guuleystay Doorashadii Dalka Brazil

focus

Musharax Xagjir Ah Oo Ku Guuleystay Doorashadii Dalka Brazil

(SLT-Brazil)-Musharax Jair Bolsonaro ayaa ku guuleystay wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha, murashaxan oo lagu tilmaamo xagjir ayaa sheegay inuu isbedal weyn ku sameyn doono siyaasada dalkaasi.

Bolsonaro oo ay dadka qaarkiis ku sheegaan nin lamid ah Trumpka Maraykanka ayaa sheegay inuu gacan adag ku qaban doono amniga iyo la dagaalanka musuq maasuqa wadankaasi.

Wuxuu Bolsonaro helay in ka badan 55% codadka halka murashaxa ka socday xisbiga shaqaalaha Fernando Haddad uu helay in ka badan 44% codbixinta.

Jair Bolsonaro oo mar la dhaawacay kadib markii mindi lagu dhuftay xili uu ku jiray ololaha doorashada ayaa horey uga tirsanaan jiray militarigii dalkaasi soo xukumi jiray, wuxuuna si cad u sheegaa inuu taageersan yahay jirdilka loo geystay dadka ku jira xabsiyada dalkaasi, wuxuuna marar badan ku hadlay hadalo cusurinimo ku dheehantahay oo uu la beegsaday dadka asal ahaan kasoo jeeda qaarada Afrika.

Madaxweynaha cusub ayaa xilka la wareegi doona bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top