Connect with us

somalilandtoday.com

Xirsi Xaaji Cali Yaa Ka Xogogaalsan ( Abdi-Shotaly)?

Articles

Xirsi Xaaji Cali Yaa Ka Xogogaalsan ( Abdi-Shotaly)?

Qof kastaaba ha iskaga hadlo wuxu doonaayo, ujeeda-diisana ha ku salaxdo, haddii la adeeg-sanaayo, mid beel ahaan u neceb iyo haduu meel iskaga baydh yahay-ba, Hogaamiyaha Xusbiga wadani/ Mudane Xirsi Xaaji Cali waa la yaaqaan, oo waa nin Alle caabud ah, ehelu-salaad ah, daacad ah, oo raba in ay Somaliland debed iyo gudaba noqoto mid jirta, oo aan loo kala dhawayn, la kala laahayn, loona siman yahay, kuna salaysan cadaalad iyo wax wadda lahaansho, nabad-na ku wadda ceesha, waa ninkii ugu dhawaa ilaah caafimaaf ha siiyo’e Madax-weyne/mudane Siilaanyo, isagaana oday-ga farta ku hayey oo ilaalin jirey, arimaha xasaasiga ah ee Maamulkii Siilaanyo. Maamulka kulmiye-na

waa intii loo tiriya-ba ee la odhan karo wax bay qabteen, sidda tacliinta oo dugsi-yadda hoose iyo dhexe laga dhigay bilaah, macalimiin-tiina la shaqaalay-siiyey, dhaqaala-hana waxa wakhti-gaas gacan adag ku hayey, oo si weyn ugu fara adayaygay Oday maxamed Xaashi. Waa tii aynu ogayn in ay si toos ah, isaga hor yimaadeen Aabihii qabyaaladda, eexdda , musuq-maasaqa, waa ka aad uu yeedhaan ( Maxamuud xaashiye) oo ahaa wasiirka hawadda iyo garoonadda, wasiirkii Macadanta Xuseen Cabdi Ducaale, oo kuligood doonaayey wax ay boobaan. aan dib ugu soo noqdo Mudane Xirsi Xaaji caliye ku soo dhawaadda waa tane hoos ku taala’e.

Bal aynu runta isu sheegno’e, Buugg uu ka qorey siilaanyo ee la yidhaaho ” Miyi Ilaa Madaxtooyadda” mudaddii ay wadda shaqaynta lahaayeen, oo uu ku soo koobay arimihii la soo dersay isaga ayaama-haas iyaka ah, cidda ku beeni-naysaa Mudane Xirsi ee ugu fara dhuudhuub-nayd waa kee? Ilayn wax uun la iskama yidhaah-dee. ( Waa intii uu joogay cah-diggii siilaanyo’e) yaa kaga xogo-gaalsan oo aad ii sheegaysan, Kuwa ka qaylinaaya buuga uu qorey, ee leh been buu ka sheegay, kuma Jiro mid qudha oo yidhi ama keenayaa, waxaas baa ka khaldan ama sheegaaya wax buuga ku qoran oo aan jirin, ee waa dad ay ka xaaraan-timaysan tahay waxa la yidhaaho xaqiiqdu. Haddii-se illaahay laga baqaayo, oo aynaan waxeenii iskula soo meeraysa-nayn iyo waa reer hebel, muxuu reer-kiisa wax ka khaldan uu u sheegayaa la lahayn, (oo dhamaan ay baydhkan ka wadda siman yihiin beeluhu), beelina aanay rabin, in ka magacoodda sheegtaa aanu kaga xagaf siin runta, ee la aaminsan yahay, in khalad iyo sax-ba qofku is barbar taago, kuna raaco beeshiisu waxa ay leedahay ( Uma jeedo Inta Xirsi ka daba yuusaysa) ee leh muxuu buuga waxaas ugu qorey, ee waa dhamaan beel kasta, oo aynu og-nahay in ay cayn-kaas wadda yihiin. Mudane Xirsi Xaaji cali, intii uu joogay madaxtoo-yadda, wuxu ahaa haddii xaq la rabo, oo aan been la isku maamwee-linayn, kii isagu uga xanaano badnaa siilaanyo qoys-kiisa ( Marka la isku wadda daro). Somaliland-na waxay dabadda ku dhufatay dhulka maalintii uu ka tegay Mudane Xirsi Xaaji cali.

Xirsi .X .Cali intii maamulka siilaanyo uu joogay, wuxu ahaa kii keliggii kala waday, ee xaqa geed sare iyo mid hoose-ba u fuulay, in aanay xoolaha ummadda dhawr gafane, oo dhiig miirad ahi gacanta ugu dhigin, waa ninkii u laba diblaystay, waxa kale oo uu yahay ninkii lahaa taladdii dhismaha wadadda Ceerigaabo, ee cid kaste oo isku dayday ay wasalad ka qaniini waayeen, halkii uu kaga tegay oo weliba sii baabaday bay weli taagan tahay, maalintii uu faraha ka qaaday baa ugu damaysay hadal hayn-teedda. Wuxu ahaa kii markuu arkay xaaraanta iyo xumaanta laga talinaayey, iyo hogga lagu sii aasaayo, qaylo dheer ka dhigay ee si cad isu baraxay, yidhina Ummad yahay aniga dib dambe la iiiguma haleeyo, Somaliland-na iga damabyn mayso sidda aad u arko, ee maamul xumaantii ka fara taagtay, markuu arkay sidda ay wax u socdaan. ka bacdi waa kii isaga iyo dhawr kale, oo ay ka mid yihiin Maxamed Biixi yoonis, Ambaasa-doorkii cali ( oo ahaa ambaasa-doorkii Uk), Xuseen caydiid, Abiib Timacad, Ismaaciil yare iyo dhawr kale ay ka dhaqaaqeen, mana jirto wax u soo socdaa oo dambe. Waa yaan darro weyn iyo lama filaane. Waxa Umadda reer Somaliland ku adkaatay, side buu Xirsi oo Meesha-ba haystay uu mar keliya u yidhi la iguma haleeyo, inan-taas meherkeedda ( waa Somalilande). ha yeeshee Kuma ay darsan reer dhuuni raac, in uu Xirsi Yahay nin ka nadiif ah xumaan, ee sidoodda bay moodayeen.

Waxan ku soo cuna-duubay qoraalkan akhristaw, Somaliland waxay xeradeed baday, siddii gacanta ay maalin-taas ugu gashay habar dugaag, siddii dhawr horror oo laf dhuuxeed isku haysta, oo mid afkii ka buux-saday, intii kale-na isha ka daawanayaan, waa markii guri-geedda circa laga ooday, Ee mas gundhadda u fadhiistay Madaxtooyaddii waa ka aad ugu yeedhaan Maxamuud Xaashiye, labadda askriga, Cal mareexaan, oo isna rubuc-rubuc u xaraashay wadaddii iyo qalabkii lagu dhisaayey, ee uu keenay mudane Xirsi Xaaji Cali. waxa si toos ah isu taagay Wada-hadaladdii aynu is lahayeen ku kala go’a Somaliya, waxa bilaabnmay hebel xidh, waxa meeshii laag saaray Xoriyatul-qawlkii, waxa lagu tuntay distoorkii, oo haddii lagu shaqaynaayo ( Waa sidda distoorka Somaliland sheegaayo’e), haddii madax-weynuhu xagga maskaxdda wax ak si noqdaan, oo wax maamuli akri waayo, in doorsho la qabto, laakiin taasi amy dhicin, waayo waa lagu shaqaysa-naayey, waxa la xaraashay Dekeddii, Haamihii shidaalka, Saldhiyo ajenabi baa la inoo keenay, dhulkii baa lagu dhaqaaqay, waxa ka dhacay qaataye-qaado, lacagtii Somalialnd baa qiima beeshay, oo doolar isu bedeshay, qabyaaladdii baa luxdka la soo kacday, dagaalo baa gobolo laga bilaabay, oo dadkii is dhalay baa foodda la isu gelyey, askartii ba ais aamini wayday, sixir-barar baa cirka isku shareeray, car juuq dheh baa ka dhacday, siyaasaddii arimaha debedda baa baa laga baxay, oo sided xukunka u sii haystaan baa jilbaha loo aastay, isku soo duuboo, waxba hadeer Meesha ma yaalaan, mana aragno is bedel, in ay kas ii darto mooyee, ee maxaa talo haysaan reer Somailandaw?

Waa Xaqiiq-ddii Buugga Miyi Ilaa Madaxtooyo.
qore:- abdi shotaly.
ashotaly5@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top