Connect with us

somalilandtoday.com

SOOMALIYA: Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Eedaymo U Jeediyay Xukuumadda Farmaajo Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

focus

SOOMALIYA: Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Eedaymo U Jeediyay Xukuumadda Farmaajo Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

(SLT-Muqdisho) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Dalkaasi Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta ka hadlay kulanka Golaha aqalka sare ayaa eedeyn u soo jeediyay Dawladda  iyo Maamul goboleedyada waxana uu ugu baaqay inay isu tanasulaan oo eegeen shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u muuqday in uu quus ka taagan yahay sidii loo xalin lahaa khilaafka sii dheeraanaya ee u dhexeeya dowlada Federalka iyo inta badan maamul goboleedyada ayaa si gaar ah ugaga hadlay warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo taasoo markale ku socotay Dowlad Goboleedyada.

Gudoomiyaha aqalka sare ayaa ku tilmaamay warqadaas inuusan madaxweynaha, islamarkaana ay qortay gacan seddexaad oo uusan magacaabin.

Sidoo kale Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada aysan raali ka aheyn in la dhex dhex-dhexaadiyo Muranka ka dhex taagan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu eedeyn u jeediyay madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe, isagoona Sheegay in Axmed Madoobe dhankiisa ay wax ka socon layihiin.

Warkan ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku soo beegmay xilli uu maanta la kulmay wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya isagoo kala hadlay inay ka qeybqaataan xallinta khilaafka u dhexeeya dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top