Connect with us

somalilandtoday.com

Qormada Qalinka Iyo Qiimaha Siyaasi Faysal Awjama Xirsi Ilkacase. W/Q:abdiqaadir Ismail jama Eng:Foodcadde

Articles

Qormada Qalinka Iyo Qiimaha Siyaasi Faysal Awjama Xirsi Ilkacase. W/Q:abdiqaadir Ismail jama Eng:Foodcadde

Maqaalkan kooban waxan ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah dhalin yarada himilada iyo hiig-siga fog leh, qofka bini aadam ka ahi wuxuu u baahan yahay in la siiyo dhiiiri gelin qofeed, waxa afka qalaad loo yaqaan (personal motivation) taasi hadii uu helo ay keeni karto halka maanta uu joogo dadaalkiisu ka sii badiyo una sii dhaqaaqi doono jihada labaad ee guusha ,waxay tani keeni kartaa horumar nafeed iyo mid bulsheed oo dalka iyo dadkaba waxa u tarta in qofka la dhiiri geliyaa macnaheedu maahan in isagu uu helo mansab iyo maamus sare balse waxay faaido u tahay in bulshadiisa heer degmo, gobol ilaa qaran ka faaidaystaan

kartida saa-idka ah uu yeeshay shaqsigii ay dhiiri geliyeen oo ku soo biiriyay wadankiisa waxqabad.waxan og nahay hadii aan nahay somaali inay nagu adag tahay dhiiri gelinta qof loo muujiyo, waxa keliya aynu ku mashquul san nahay ay tahay dhaliisha qofeed taasi oo ina ka mashquulisay guulihii bulsheed aan gaadhi lahayn mustaqbalka fog iyo ka dhawba, maanta waxan dhiiri gelinaynaa gudoomiye xigeen ka hortaga masiibooyinka iyo kaydka raashinka qaran ka Somaliland , gudoomiye faysal jama xirsi ( ilkacase) shaqsigani waa mid ka ugu macquulsan dhalin yarada reer somaliland ee ka mid ah xukuumada madaxweyne muuse biixi cabdi , mudane ilkacase waa shaqsi ka fog nin jeclaysi iyo koox toona , waa shaqsi ay u siman yihiin dhamaan bulshada reer Somaliland ee uu masuulka u yahay, aqoon yahan faysal jaamac xirsi waxaan ku xasuusanaa shaqo wanaagii uu ka muujiyay wasarada dhaqanka iyo dalxiiska jamhuuriyada Somaliland xukumadii axmed maxamed maxamuud aadan ( axmed siilaanyo) taasi oo madaxweyne axmed siilaanyo u xushay inuu ahaado agaasimaha guud ee wasaradaasi , waxaan og soon nahay in wasaarada warfaafinta oo la kala qaybiyay ay ka soo dhex baxday wasaraada dhaqanka iyo dalxiisku , mr ilkacase wuxu la wareegay wasarad aan lahayn xiligaas xafiisyo qalabaysan mudo kooban dabadeed isaga oo kaa shanaya madaxdii iyo shaqaalihii kala duwanaa ee wasaarada waxa uu ka dhigay wasaraadii uu madaxda ka ahaa mid la mid ah wasaaradaha kale ee dawladu leedahay , gudoomiye faysal ilkacase waa madaale aan ka gaabin himilooyinka iyo hiigsiga hirarka dooga leh ay hiigsanayso Somaliland dhamaan teed shacab iyo xukuumad ba.waxan bogaadinayaa madaxweyne muuse biixi cabdi xildiid oo aan leeyahay madaxweyne waxaad sameysay geesinimo iyo guulo lagu dhiiri gelinayo dhalin yarada reer Somaliland ee ku suntan waxqabadka ee uu ka mid yahay mudane faysal jama xirsi (ilkacase) si ay horusocod ugu noqdaan isaga iyo dhalin yarada dhigiisa ah ee aad u xulatay inay ka mid noqdaan xukuumadaada iyo haayadaha kale ee dawladada aad hogaamiso oo kaala shaqeyaan horumarka wadanka, Madaxweyne aniga iyo dhalin yarada kale aan ka mid ahay waxa tusaale noo ah markii aad talada wadan ka ku soo biirisay rag dhalin yaro ah oo leh himilooyin iyo aragti dheer kuwaas oo wax kaala bedeli kara xaalada wadan ku sugan yahay somaalidu waxay ku maah –maahdaa awrka danbe awrka hore buu saan qaadkiisa leeyahay. waxan og nahay in xukumadihii hore dhalin yarada iyo haweenku saami hoose ka ahaayen una badnaayeen odayaal soo shaqeyaynay ilaa qarnigii 19aad maanta oo aynu joogno qarnigii 21aad ee uu dawlada Somaliland gadhwadeenka ka yahay madaxweyne muuse biixi cabdi wuxuu hoosta ka xariiqay inuu kor u qaado qiyamka iyo sharafka iyo dhalin yarada reer Somaliland.

W/Q:- abdiqaadir ismail jama (eng:foodcadde)

engcabdi03@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top