Connect with us

somalilandtoday.com

Qadiyada Jamal Kashooggi Oo Dalka Sacuudiga Baxar Galisay Iyo Wararkii U Danbeeyay .

focus

Qadiyada Jamal Kashooggi Oo Dalka Sacuudiga Baxar Galisay Iyo Wararkii U Danbeeyay .

(SLT-Washington) Isagoo ka hadlaayey isku soo baxa Montana ayuu Senator Rand Paul oo ka tirsan Senetarada Jamhuuriga ee dalka Mareykanka waxa uu Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku eedeeyay in ay taakuleyso argagixisada caalamka.

Senator Paul ayaa tusaallo usooo qaatay galaangalka xoogan ee Sacuudiga ku leedahay dalka Yemen oo uu sheegay in 15,000 oo ruux ay ku geeriyootay kumanaan kalana ay ku dhaawacmeyn.

“Waa in aan si foojiyagan u eegnaa tilaabooyinka sharci daradda ah oo ay Sacuudiga qaadeyso, dagaallo dhiig fara badan ku daatay ayey si muuqata ugu lug yeesheen ama abuureen mana jirto cid ka hadashay ama cunaqabateyn saartay taasi badalkeeda waxaa lala sameeyey cilaaqaad wanaagsan mana ahan wax aan sii fiirsan karno” ayuu sheegay Senatorka Jamhuuriga ah Rand Paul.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanka France iyo Boqortooyadda Ingriiska ay hub ay ka iibiyaan Sacuudiga hubkaasina ay ku abuuraan dagaallo hor leh oo aan loo baahneyn.

Hadalka Senetorka ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Sacuudiga uu yahay saaxiib wanaagsan oo uu Mareykanku leeyahay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top