Connect with us

somalilandtoday.com

Qadiyada Dilkii Wariye Jamal Khashoggi Oo Wali Carikan Iyo Dawladda Sacuudiga Oo War Cusub Soo Saartay.

focus

Qadiyada Dilkii Wariye Jamal Khashoggi Oo Wali Carikan Iyo Dawladda Sacuudiga Oo War Cusub Soo Saartay.

(SLT-Riyad)Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga wuxuu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Sucuudiga.
Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al Jubeyr.

Caadil Al Jubeyr oo ka hadlayay shir ka socday dalka Baxreyn wuxuu ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka inay bunbuuniyeen markii ay tebinayeen dhacdada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Turkiga uu codsaday in loo soo gacan geliyo 18 qof oo u dhashay Sucuudiga oo looga shakinsan yahay inay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal Kaashoggi.

“Arrinta ku aadan dhiibista, shakhsiyaadka waa muwaadiniin u dhashay Sucuudiga, waxaa lagu xiray gudaha Sucuudiga, baartinaada Sucuudiga ayay ka socdaan, waxaana lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka Sucuudiga” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibaddaa Sucuudiga.

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top