Connect with us

somalilandtoday.com

Mulkiilihii Kooxda Kubadda Cagta Leicester City Iyo Xubno La Socday Diyaaradi Kula Dhacday Garoonkooda Kooxdaas Goob U Dhaw .

focus

Mulkiilihii Kooxda Kubadda Cagta Leicester City Iyo Xubno La Socday Diyaaradi Kula Dhacday Garoonkooda Kooxdaas Goob U Dhaw .

(SLT-Leicester)Waxa soo baxaya muuqaallo naxdin leh oo muujinaya sida aanay cidina uga badbaadin shilkii diyaaradeed ee xalay ka dhacay garoonka Leicester City ee King Power.

Diyaarad nooceedu yahay Helicopter oo uu la socday mulkiilaha kooxda kubadda Leicester City, Vichai Srivaddhanaprabha, gabadh uu dhalay iyo saddex qof oo kale ayaa oo ay laba duuliyeyaal yihiin ayaa laga cabsi qabaa in dhamaadtood ay dhinteen oo aan illaa hadda la haynin raq iyo ruux midna.

Ilo-wareedyo ka ag-dhow Leicester City ayaa xaqiijiyey in markii ay diyaaraddu kacaysay ay fuuleen Vichai Srivaddhanaprabha, inantiisa iyo qof saddexaad oo aan la magacaabin, halka ay hore ugu sii sugnaayeen gudaha diyaaradda laba duuliye.

Sawirro iyo muuqaallo daawasho ah oo lasoo bandhigay ayaa muujinaya hadhaaga diyaaradda oo si xun u gubtay, isla markaana aanay jirin wax dad ah oo lagu dhex-arkay.

Waxa la fahamsan yahay in diyaaraddu ay soo dhacday iyadoo hawada sare ku jirto illaa 200 feet isla markaana wax yar ka hor uun ka kacday gudaha garoonka oo ay ka qaadday mulkiilaha kooxda, inantiisa iyo qof saddexaad, waxaana soo dhawaanaysa in si rasmi ah loogu dhawaaqo in dhamaan dadkii saarnaa ay dhinteen.

Si kastaba ha ahaatee bahda kubadda cagta ayaa tacsi u diray Leicester City, waxaana ay ubaxyo dhigeen deyrka garoonka King Power ee shilku ka dhacay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top