Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynayaasha Kenya Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Dhammaystirka Heshiisyo Ay Hore U Galeen.

focus

Madaxweynayaasha Kenya Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Dhammaystirka Heshiisyo Ay Hore U Galeen.

(SLT-Muqdisho) Waddmada KENYA iyo Soomaliya ayaa dhamaystiraaya heshiisyo ay hore u gadheen. Madaxweynaha Dalkaasi Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu kala hadlay iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal.

Agaasimha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Wakaalada wararka ee SONNA u sheegay in Madaxweynaha uu la soo qaaday dhigiisa dalka Kenya dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay.

Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in la sii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, is dhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Mr Uhuru Kenyatta kaalinta ay Dowladda Kenya ka qaadanayso nabadgalyada gobolka iyo adkeynta xiriirka labada dal oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.

Somalilamdtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top