Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Marti-Galineysa Kulanka Dalalka Iskaashiga Islaamka

focus

Soomaaliya Oo Marti-Galineysa Kulanka Dalalka Iskaashiga Islaamka

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa marti gelineysa shir heer wasiir ah oo kooxda xidhiidhka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamku ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah.

Wufuud ka socota Dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa shalay soo gaadhay Magaalada Muqdisho , halka kuwa kalena la filayo in ay maanta yimaadaan.

Xubnahan Maanta yimid ayaa ka kala socda Dalalka Sacuudi Carabiya, Malaysia, Turkey iyo wafdi uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka,Danjire Hishaam Yuusuf, ayaa gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb geli doona shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya marti galineyso.

Martigalinta Soomaaliya ee shirkan muhiimka ah ayaa imaanaysa iyadoo la fulinayo qaraarradii ka soo baxay shirarkii 44-aad iyo 45-aad ee Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Iskaashiga Islaamku ku yeesheen Abidjan, Ivory Coast iyo Dhaka, Bangladesh.

Wufuudda ka soo qeyb galaysa shirkan ayaa diirradda ku saari doonta kulankooda sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah;

1-Azerbaijan 2-Brunei 3-Djibouti 4-Egypt 5-Gabon 6-Iran 7-Kuwait 8-Malaysia 9-Pakistan 10-Qatar 11-Saudi Arabia 12-Sudan 13-Turkey 14-UAE 15-Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top