Connect with us

somalilandtoday.com

SOOMAALIYA: Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab

focus

SOOMAALIYA: Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab

(SLT-Kuunyo Barow)-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in duqeyn ka dhacday agagaarka deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Duqeyntan oo dhacday 25-ka bishan October ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo aan la sheegin magacyadooda iyo xilalkooda.

Hase ahaatee Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta lagu burburiyay gaari ay saarnaayeen labada xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ay bartilmaameedsaday gaari marayay agagaarka Kuunyo barow oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Duqeynta Mareykanka ku bartilmaameedsado Al-Shabaab ayaa sanadkan kordhiyay, waxaana uu fuliyay illaa 28 duqeymo oo intooda badan lagu beegsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top