Connect with us

somalilandtoday.com

Hatice Cengiz Haweenaydii U Doonanayd Saxafigii La Kharajiyay Ee Jamaal Khashoggi Oo Ku Gacan Saydhay Dalab Maraykanka Uga Yimi

focus

Hatice Cengiz Haweenaydii U Doonanayd Saxafigii La Kharajiyay Ee Jamaal Khashoggi Oo Ku Gacan Saydhay Dalab Maraykanka Uga Yimi

(SLT-Ankara) Hatice Cengiz waxay hadalkaasi ku sheegay Wareysi ay siisay Telefishinka Turkiga ee Haberturk.Wareysigeeda oo ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii saygeeda la dilay bishan October 2-dii, waxay xustay inaysan aqbali doonin casuumaada uu u fidiyey Donald Trump.Waxa ay sheegtay in casuumaada ay aqbali doonto ilaa ay Maraykanka daacad ka noqonayaan dadaalka baaritaanka ee dilka saygeeda, Jamaal Khashoggi.

Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyey inay Dowladda Sacuudiga la soo xiriireen waxay sheegtay inaysan la soo xiriirin, waxayna carrabka ku dhuftay inaysan Sacuudiga tegi doonin haddii maydka Jamaal Khashoggi lagu aasayo Sacuudiga.Hatice Cengiz waxay ilmeysiisay inta ay la hadlaysay Telefishinka, kadib, markii wax laga weydiiyey markii uu saygeeda galay dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaalladda Istanbul.Hatice Cengiz, waxay sheegtay inuusan saygeeda wax shaki ah ka qabin in lagu dhibaateeyo Qunsulliyada lagu dhex dilay.Ugu dambayn waxay ku baaqday in Baaritaan Caalami ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay Jamaal Khashoggi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top