Connect with us

somalilandtoday.com

MUQDISHO: Dawladda Soomaaliya Oo Gurmad Dawayn Ah U Fidisay 22-kamid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Dagaal Beeleedkii Gobolka SOOL

focus

MUQDISHO: Dawladda Soomaaliya Oo Gurmad Dawayn Ah U Fidisay 22-kamid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Dagaal Beeleedkii Gobolka SOOL

(SLT-Muqdisho) Dhaawacyada illaa 22 ruux oo ku soo dhaawacmay dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa la keenay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyadan laga soo qaaday magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo oo markii hore la geeyay, kaddib markii xaaladooda wax loogu qaban waayay, iyadoo dhaawacyada la keenay Muqdisho la geeyay Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer.

Diyaaradda lagu soo qaaday dhaawacyadan ayaa markii hore ka qaaday magaalada Muqdisho gargaar caafimaad, waxaana la socday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda  Soomaliya C/llaahi Bidhaan Warsame iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysigga iyo kheyraadka Badda Cabdillaahi Bidhaan Warsame, oo ka mid ahaa xubnaha ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay arrintan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixineyso sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

“Dhaawacyadda qaarkood aad ayey u jajaban yihiin qaarkood kalena aad ayey u liitaan waxaana u soo qaadnay siddii halkan loogu daweyn lahaa”ayuu yidhi  Wasiir Bidhaan.

Dagaal beeleedyada ka dhacay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 40 ruux, halka tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen.

Somalilamdtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top