Connect with us

somalilandtoday.com

Xilligii I SIILAANYO 27k 28ka Ama 29ka Bisha Ayaanu Heli Jirnay Mushaharka Halka Xukuumadda Wakhtigan, Mushaharku Noo Yimaaddo 15ka Ama 16ka Bisha Danbe

Articles

Xilligii I SIILAANYO 27k 28ka Ama 29ka Bisha Ayaanu Heli Jirnay Mushaharka Halka Xukuumadda Wakhtigan, Mushaharku Noo Yimaaddo 15ka Ama 16ka Bisha Danbe

Xilligii I SIILAANYO 27k 28ka Ama 29ka Bisha Ayaanu Heli Jirnay Mushaharka Halka Xukuumaddan Mushaharku Noo Yimaaddo 15ka Ama 16ka Bisha Danbe.

HALKAAS UUN KA EEG FARQIGA……….. MIYAANAY FAALLO MA LEH AHAYN?

Tan Iyo Intii Uu Talada Dalka Qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Shaqaalaha Ka Hawlgala Hay’adaha Dawladda Waxay Ka Mid Ahaayeen Dhinacyada Ugu Badan Ee Saamaynta Dhibaato Kala Kulmay Nidaamka Maamul Ee Xukuumadaasi,

Tiro Badan Oo Shaqaale Ah Ayaa Banaanka Laga Dhigay Shaqadii Ay Ka Hayeen Hay’adaha Dawladda, Ha Ugu Sii Daraadaan Shaqaalihii Wasaaradda Duulista Iyo Hawada,Kuwaasi Oo Ilaa Maanta Aan La Aqoonsan Sababta Xukuumadda Muuse Biixi U Cuskatay Erigooga.

Hawlwadeenadaasi Ayaan Geesta Kale Jawaab Qancisa Ka Helin Dhanka Xukuumadda, In Kastoo Qaybo Ka Mid Ahi Cadaalad Darada Lagula Kacay Ku Bandhigeen War Baahinta Madaxa Bannaan.

Iyadoy Sidaas Ahayd Hadana Aakhirkii, Dad Ka Mid Ah Aqoon Yahanka Bulshada Oo La Hadlay Warbaahinta,Waxay Ku Macneeyeen In Talaabadaasi Laga Qaaday Shaqaalaha Hay’adaha Dawladda Qaarkood, Uu Ahaa Qorshe Bar Tilmaameed Ama Yool U Ahaa Muuse Biixi Iyo Jamaahiirtiisa Intii Ay Talada Dalkaba Bannaanka Ka Joogeen Ee Ay Weli Xilka Sii Haysay Xukuumaddii Hore.Sida Laga Soo Xigtay Xubno Ka Ag Dhowaa Muuse Biixi.kolkii hoosta ka xariiqayay Go’aanadaasi.

Si Kastaba Ha Ahaatee Mashaakilka Wakhtigan Taagan Ee Ka Soo Food Saaray Shaqaalaha Dawladda Xukuumadda Muuse Biixi Ayaa Ah Nidaam Xumo Dhinaca Mushahar Bixinta Ah,Iyagoo In Badan Oo Ka Mid Ah Shaqaalaha Hay’adaha Kala Duwan Ee Dawladdu Kuu Sheegayaan Inay Ku Jiraan Xaalad Gumaysi Oo Kale Ah,Maadaama Aanay Helin Mushaharkooga Waqtigii Caadiga Ahaa Ee Dhammaadka Bisha,Ee Ay Iyaguna Ku Maarayn Lahaayeen Hawlahooda.

Mushaharka Waxaanu Qaadanaa 13 Ilaa 15 Bisha Danbe ,Intii Muuse Talada Qabtay,Halka 28ka 29ka Ilaa 30ka Bisha Aanu Heli Jirnay Mushaharooyinka, Xukuumaddii Ka Haorraysay Ee Madaxweyne Siilaanyo,Oo Weliba Noo Kordhisay Lacagta.

Ma Garan Karno Waxa Dhacay Balse Kolay Waxaanu U Aragnaa Xilkasnimo Darro Xukuumadani La Gaar Tahay.
Sidaasi Waxa Yidhi Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawladda Oo Ka Hadlayay Culayska Dadka U Shaqeeyaa Kala Kulmeen Xukuumaddan,Halka Kuwa Aan Shaqada Hayn Ee Ku Filiqsan Gobolada Dalka Xaalkoodu Marayo Heerkii Ugu Xumaa Abid.,

Taasina Waa Sababta Ay Shacbigu Ugu Hibeeyeen Madaxweynaha Naanaysta Muuse Handaraab, Kaasi Oo La Odhan Karo Waa Magac Kasoo Go’ay Quluubta Bulshada Sicir Bararka Iyo Maamul Xumada HAL sano Jirka Ahi Naafaysay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top