Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxaanu Farmaajo U Sheegnay In Soomaaliyadii Siyaad Barre Ee Uu Ninka Keliyi Talinayay Ay Dhamaatay” Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan dalalka Gobolka Geeska Afrika

focus

“Waxaanu Farmaajo U Sheegnay In Soomaaliyadii Siyaad Barre Ee Uu Ninka Keliyi Talinayay Ay Dhamaatay” Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan dalalka Gobolka Geeska Afrika

(SLT-Hargeysa)-Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan dalalka gobalka Geeska Afrika Danjire Luciano Pezzotti, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ku wargeliyeen inuu iska ilaaliyo dabeecadihii Maxamed Siyaad Barre ee kalitalisnimo.

Danjire Luciano Pezzotti, oo shalay hadal ka jeediyay shir balaadhan oo ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo lagaga hadlayay xaaladaha gobalka Geeska Afrika, ayaa wuxuu ku soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada, waxaanu yidhi, “Waxaanu Farmaajo u sheegnay in Soomaaliyadii Siyaad Barre ee uu ninka keliyi xukumayay ay dhammaatay.” Ayuu yidhi danjire
Luciano Pezzotti, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu ka codsanay inuu xal u raadiyo khilaafka hadda ee u dhexeeya dawladda Muqdisho iyo dawlad goboleedyada.”

Danjiruhu waxa kale oo uu ka hadlay isbedelada siyaasadeed ee ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu soo hadal qaaday heshiiska taariikhiga ah ee dhex marya Itoobiya iyo Ereteriya iyo weliba isfahamka bilowga ah ee Djibouti iyo Ereteriya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top