Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Madax U Ah Xagjirka Caddaanka Ah Oo Lagu Xidhay Dalka Maraykanka

focus

Nin Madax U Ah Xagjirka Caddaanka Ah Oo Lagu Xidhay Dalka Maraykanka

(SLT-Washington)-Nin hoggaamiye u ah koox caddaannimada ku kalax tagtay oo fadhigoodu California yahay ayaa la xiray isaga oo lagu soo eedeeyay in uu kicinayo rabashado.

Robert Rundo oo wax ka aasaasay dhaqdhaqaaqa Rise Above Movement ayaa lagu xiray garoonka LA International Airport Axaddii.

Saddex ruux oo kale ayaa iyagana dacwado lagu soo oogay, mid ka mid ah ayaanse gacanta lagu soo dhigin.

Afartaas ruux waxaa lagu eedeeyay in ay u socdaaleen dhacdooyin California ka dhacay iyo mid kale oo ka dhacay Charlottesville oo Virginia ka tirsan, arrintaas oo horseeday in ay haweenay dhimato, dalka Maraykankana aad uga yaabisay.

Bishan horraanteediina afar ruux oo kale oo xubno ka ah dhaqdhaqaaqa Rise Above Movement ayaa dacwo lagu soo oogay iyaga oo loo haysto in ay weerareen koox kale oo qabatay mudaaharaad lagaga soo horjeeday oo ka dhacay Charlottesville bishii Agoosto 2017.

Haweenay ayaa dhimatay ka dib markii uu nin gaari mariyay dad mudaaharaadaya oo ka soo horjeeday.

Wargeyska New York Times wuxuu ku warramay in Rundo oo 28 jir ah uu u tallaabay xadka Mexico balse dib loogu soo celiyay Maraykanka ka dibna lagu xiray garoonka diyaaradaha ee LA.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top