Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Buug Laga Qoro Madexweyne Muuse Biixi baa ugu Xiiso badnaan lahaa ..W/Q Rakad Maxamed Suldaan

Articles

Nin Buug Laga Qoro Madexweyne Muuse Biixi baa ugu Xiiso badnaan lahaa ..W/Q Rakad Maxamed Suldaan

Nin Buug Laga Qoro Madexweyne Muuse Biixi baa ugu Xiiso badnaan lahaa oo Taariikh adag soo maray uguna Waayo-aragnimo balaadhnaa.


Waa ninka Xisbigii dhammaa kaligii iyo saddex kale ka soo hadheen, waxaannu Cadaadis iyo diidmo uu kala kulmay sida Xisbigiisii, intii dad ugu xigtay, Suldaankiisa, Reerkiisii iyo Dawladdiisiiba Haddana ka gudub.
Wakhtiyo badan buu Faramadhnaan dareemay maantana waa Madexweyne.

rgb(29, 33, 41); font-size: 14px;”>
Waa ninka Dowlad dhami Mucaarid ku ahayd, oo ay siday doonto isaga awgii u sammaynaysay si loogu xummeeyo dadkana xisbiga loo nacsiiyo.
Halganbuu Qaranka u soo galay, halgan buu Xisbiga u soo galay, Halganbuu madexweyne nimadda u soo maray maanta Halgankii ha joojiyo oo ha is Fur-furo, dhaqaalahana iyo shaqooyinkana ha sii daayo.
Ad-adayga iyo Adkaanta uu u dhashay Madexweyne Muuse Biixi waa ta ilaa imika sababtay Inuu Saaxiib la noqon waayo Asxaab badan oo ay Siyaasadda ku coleebeen, waanna ta sababtay siyaasiyiin badani soo hungurayn waayeen, waa ta sababtay in Ilaa imika Xukuumaddiisu meelo badan gaabis ka tahay.
Isku shaandhayn cusub iyo La saaxiibka rag badan oo siyaasaddu kala kaxaysay waa xalka iyo horusocodka xukuumadda.
Rakad Mxd Sultan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top