Connect with us

somalilandtoday.com

“Dilka Wariye Jamaal Khashoqji Waa La Sii Qorsheeyay…” Sacuudiga Oo Qiraal Kale Ka Sameeyay

focus

“Dilka Wariye Jamaal Khashoqji Waa La Sii Qorsheeyay…” Sacuudiga Oo Qiraal Kale Ka Sameeyay

(SLT-Riyadh)-Dilka Jamaal Khashoqji waa la sii qorsheeyay sida uu sheegay dacwad oogaha dalka Sacuudiga, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda.

Macluumaadkan ayaa ka yimid guddi wada jir ah oo Turki iyo Sacuudiyaan ka kooban, sida ay ku warrantay warbaahinta Ekhbariya.

Waxay sidoo kale sheegeen in dacwad oogeyaashu ay su’aalo waydiiyeen dadka laga shakisan yahay iyaga oo baaritaan labo geesood ah samaynaya.

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii hore diiday in ay wax ka ogtahay meesha uu ku dambeeyay saxafiga oo la waayay 2 bishan Oktoobar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top