Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammo Ka Tirsan Jabhadda Kornayl Caare Oo Xalay Weerar Gaadmo Ah Kusoo Qaaday Deegaanka Dararweyne Iyo Ciidanka Qaranka Oo Dhirbaaxo Kulul Ku Dhuftay

focus

Ciidammo Ka Tirsan Jabhadda Kornayl Caare Oo Xalay Weerar Gaadmo Ah Kusoo Qaaday Deegaanka Dararweyne Iyo Ciidanka Qaranka Oo Dhirbaaxo Kulul Ku Dhuftay

(SLT-Hargeysa)-Xalay 3 Sadexdii Habeenimo Ciidamada Qaranka Somaliland Qaybta Sadexaad Ee Gobalka Sanaag Guutooyin Ku Sugnaa deegaanka Dararweyne Degmada Ceel-Afweyn,Waxaa Weerar Kusoo Qaaday Ciidamo Ka Amarqaata Kornayl Caare Oo Isugu Hore Uga Goostay Ciidammada Millatariga Somaliland.

Waxaana Ciidamadan Oo Watay Gaadiid Kooban Ay Xabado Kasoo Rideen Jahada Koonfurta Dararweyne Iyada Oo Ciidamada Qarankuna Galeen Difaac Socday Muddo Kooban Kaasi Oo Sababay In Jabhada Qardho Kasoo Kicitantay Wakhti Kooban Gudihii Dib Ugu Noqdaan Degaanadii Ay Ka Yimaaden.

Warar Xogogaala Oo Aan Ka Helnay Degaanada Koonfurta Sanaag Ayaa Tibaaxaya In Ciidamada Uu Watay Kornayl Caarre socod Dheer Ugu Sii Jiraan Inay Saldhigii Qardho Ku Noqdaan

Taliyaha Qaybta Ciidamada Milatariga Somaliland Gaashanle Sare Faysal Cabdi Bootaan Oo Ay Weheliyaan Saraakiil Sarsare Oo Ciidamada Kamida ‘Maamulka Dararweyne Waxay Warbaahinta Bulsho Tv Oo Degaanda Ilaa Xalay Ku Sugnaa U Xaqiijiyen Inaanay Xagooda Jirin Wax Khasaare Ah Oo Israsaasaynta Ka Dhalatay .

Taliye Bootaan Iyo Saraakiisha Warbaahinta La Hadlay Ayaa Nasiib Darro Ku Tilmaamay Ragga Wakhtigan Soo Weeraray Maatadoodi Waa Sida Ay Hadalka U Dhigeene Iyaga Oo Saraakiishu Sheegay Inaanay HabaYaraate Yeelayn Wax Kasta Oo Jiritaanka Iyo Amniga Dalka wax Yeelayaya

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top