Connect with us

somalilandtoday.com

War Degdeg Ah: Akhriso Wareegto Uu Goor Dhaweyd Soo Saaray Madaxweyne Muuse Biixi

focus

War Degdeg Ah: Akhriso Wareegto Uu Goor Dhaweyd Soo Saaray Madaxweyne Muuse Biixi

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey: Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;

Markaan Dersay: Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;

Waxaan go’aamiyey;

In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top