Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Itoobiya Oo Xilka Ka Degaaya Afar Sanno Kadib

focus

Madaxweynihii Itoobiya Oo Xilka Ka Degaaya Afar Sanno Kadib

(SLT-Hargeysa)-Mulatu Teshome oo afartii sanno ee u dambeeyay ahaa madaxweynaha Itoobiya ayaa barri iscasilaya iyada oo fadhi labada gole baarlamaan ee Itoobiya wada jir u yaalanayaan uu istaaqalada gayn doono kadibna la dooran doono madaxweyne Cusub.


Sida uu ku warramayo wargeyska The Addis Fortune ee dalka Itoobiya waxa madaxweynaha cusub noqon doona Ambachew Mekonnen oo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Amxaarada, islamarkaana siyaasadda Itoobiya ka gaadhay heer wasiir, islamarkaana haysta shahaadada PHD.

Dr. Mulatu Teshome madaxweynaha iscasilaya oo tirsana xisbiga Oromada ayaa xilal badan ka soo qabtay Itoobiya. Waxa uu afartii sanno ee u dambeeyay ahaa madaxweyne waxaanu hore u soo noqday afhayeenka baarlamaanka isaga oo soo qabtay jagooyin wasiirnimo oo kala duwan. Waxa kale oo uu soo qabtay shaqooyin diblamaasiyadeed isaga oo soo noqday danjiraha Itoobiya ee Turkiga, Shiinaha, Thailand, Japan iyo Azerbaijan.

Xil ka wareejintiisa ayaa u muuqata in ay qayb ka tahay isbedelka Dr Abiy Axmed oo wali ku jira dhismaha xukumaddiisa. Waxa uu xilalka iyo xubinimada xisbiyada ka saaray ruug caddaa badan oo siyaasadeed isaga oo dhawaan magacaabay golihiisa wasiirrada oo labaataneeyo ah kuwaas oo kala badh dumar ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top