Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Hanjabadii Ugu Adkayd U Diray Sacuudiga Baahintii xogta Jamaal Khaashuqji ee Erdogan Kadib .

advertise

Madaxweyne Donald Trump Hanjabadii Ugu Adkayd U Diray Sacuudiga Baahintii xogta Jamaal Khaashuqji ee Erdogan Kadib .

(SLT-Washington) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”

Wuxuuna intaa ku daray cid walba oo falkaasi foosha xun soo maleegtay kana dambeeysay “cawaaqib xun la kulmi doonto”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa wuxuu isna sheegay inuu Mareykanku ciqaabayo ciddii ka dambeysay dilka wariye Jamal ” iney fiisaha dal ku galka kala laabaneyso 21-ka qof ee la shaaciyey ee falkan looga shakiyey.

Mareykanka ayaa wuxuu beesha caalamka kala kulmayaa cadaadis xooggan oo loogu baaqaya iney dabciso xiriirka ay la leedahgay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay marar badan dilka Khaashuqji iyo waxa ku dhacay ay ka soo saareen warbixinno iska horimanaya. Toddobaadyo waxay ku andacoodaan inuu nool yahay Khaashugji, waxay ugu dambeynti boqortooyadu qiratay wariye Jamal Khaashugji oo 59 jir ah inuu ku dhintay hawlgal naxariis darra ah xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Mr Pompeo oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa wuxuu sheegay, inuu madaxweynaha uu xaaladda ku faraxsaneyn.

“Mareykanka uma dul qaadan doono ayuu yiri dilka arxan darrada ah ee loo geystay wariye Jamal Khaashuqji in la qariyo lagana aamuso.”

Madaxweynaha Turkigu Reccep Tayip Erdogan wuxuu sheegay in dilka saxafigaas la sii qorsheeyey oo aysan ahayn arrin si kama’ ah ku dhacday, wuxuuna dalbaday in dadkii ka dambeeyey dilkiisa loo soo gacan galiyo, si maxkamad loogu saaro Turkiga.

Waddamada adduunka ugu hodansan ee dhanka warshadaha horay uga maray ayaa ayagana ka dalbaday Sacuudiga inay si buuxda u sheegaan sidii saxafiga Jamaal Khaashuqji loogu dhex dilay qunsuliyadda ay boqortooyadu ku leedahay magaalada Istanbul.

Tallaabo ka mid ah culays xoog leh oo beesha caalamka ka imaanaya ayaa hadal ay soo saareen dalalka la isku yiraahdo G7 waxay Sacuudiga weydiisteen inuu sharraxaad ka bixiyo geerida Khaashuqji, taasoo keentay su’aalo badan oo aan weli jawaab loo hayn.

Sacuudigu halkuu ka joogaa arrintan?

Boqor salmaan oo talaadada golahiisa wasiirrada la shiray ayaa wuxuu sheegay iney Sacuudi Carabiya la xisaabtami doonto shaqsiyaadka dilka Khaashuqji ku lug lahaa.

Warbaahinta afka dawladda ku hadasho ayaa waxay sheegeen boqorka iyo amiirka dhaxal sugaha ah iney magaalada Riyadh ay kula kulmeen qaar ka mid ah qoyska Khaashuqji oo uu ka mid yahay Salax Binu Jamaal oo ah wiil uu dhalay Khaashugji.

Wasiirka arimaha dibadda Sacuudi Carabiya, Caadil Al-Jubayr, ayaa u sheegay telefishanka Fox News in “dilku” ahaa “khalad weyn” waxaanu beeniyey in dhaxal sugaha taajka boqortooyada ee awoodda badani amray.

Khaashuqji waxa markii ugu dambaysay isagoo nool la arkay markii uu galayey qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xukuumadda Sucuudigu waxay markii hore sheegtay in uu qunsuliyada ka baxay 2 Oktoobar, laakiin Jimcihii ayay markii ugu horaysay qirtay in uu dhintay, waxaanay sheegtay inuu ku dhintay dagaal gacan ka hadal ah [oo isaga iyo saraakiil wax weydiinaysay dhex maray]. Hase yeeshee arintaa waxay kala kulantay dhaleecayn weyn.

Saraakiisha Turkiga ayaase rumaysan in Khaashuqji oo ahaa nin ku cadcad dhaliisha xukuumadda Sucuudiga ay koox ka tirsan sirdoonka Sucuudigu ku dhex dishay dhismaha qunsuliyadda waxaanay sheegeen in ay hayaan caddaymo arintaa muujinaya.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganeysa Sirdoonka Turkiga iyo Carabaha ayaa waxay qortayxilliga Khaashuqji intaan la dilin ka oo wareysiga laga qadayey inuu Sacuud Al-qaxtaani uu ku amray “iney u keenaan eeyga madaxiisa” oo ula jeedo madaxa Jamal Khaashugji.

Warku wuxu intaa ku darayaa Madaxweyne Erdogan inuu nuqul ka mid ah codadka Skype ay isku dhaafsadeen boqortooyada iyo xubnihi dilka geystay uu hayo balse uu diiday inuu Mareykanka uu gacanta ka geliyo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top