Connect with us

somalilandtoday.com

Maamulka Falastiiniyiinta Iyo Xamaas Oo Lagu Eedeeyey In Ay Maxaabiista Jidh Dilaan

focus

Maamulka Falastiiniyiinta Iyo Xamaas Oo Lagu Eedeeyey In Ay Maxaabiista Jidh Dilaan

(SLT-Qaza)-Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in maamulka Falastiiniyiinta ee ka taliya Daanta Galbeed ee la haysto iyo maamulka Xamaas ee ka taliya marinka Qasa ay labduba si joogto ah u xidhxidhaan oo u jidh dilaan dadka mucaaradka ku ah iyo kuwa sida nabdoon u dhaliila siyaasadahooda.

Warbixin ay hay’addu soo saartay oo ay ku salaysay waraysiyo ay ka qaaday baxaabiis hore ayaa lagu sheegay in labada dhinac ee loolanku ka dhaxeeyaa ay “samaysteen nidaam dadka mucaaradka ku ah ay ku ciqaabaan”.

Warbixintu waxay sheegtay in ciidamada nabadgelyadu ay badanaa u hanjabaan, cariyaan, garaacaan oo ay maxaabiista u xidhaan siyaabo xanuun badan.

Maamulka Falastiiniyiinta iyo Xamaas labaduba way beeniyeen eedaymahaas.

Maamulka Falastiiniyiinta waxasi ku meel gaadh ah loogu dhisay magaalooyinka waaweyn ee Falastiiniyiinta ee ku yaal Daanta Galbeed iyo Qasa 25 sanadood ka hor markii ay Falastiiniyiintu heshiiska la galeen Israel.

Ilaa haatanna waxa uu gacanta ku hayaa maamulka arimaha Falastiiniyiinta ku dhaqan Daanta Galbeed, laakiin xoogagga daacadda u ah Madaxweyne Maxamuud Cabbaas iyo ururka Fatax ayey gacantooda ka baxday Qasa oo waxay u gacan gashay ururka Xamaas sanadkii 2007-dii markii ururkaa mitidka Islaamiga ahi ku guulaystay doorashadii baarlamaanka Falastiiniyiinta.

.Lahaanshaha sawirkaAFPImage caption.

Labada urur ee Xamaas iyo Fatax ayaa hore u sheegay in ay heshiis wada gaadheen, kaas oo lagu soo af jarayey khilaaf mudo toban sanadood ah taagnaa.

Xamaas oo maamusha marinka Qasa ayaa sheegtay in faahfaahinta heshiiska la baahin doona galinka dambe ee Khamiista, Fatax se wali arrintan kama hadlin.

Masar ayaa labadan garab ku dhexdhexaadinaysa wadahadallo ka dhacay magaalada Qaahira.

Falastiiniyiinta ku kala nool marinka Qasa iyo Daanta Galbeed ayaa la kala maamulayay tan iyo markii ay labadan kooxood dagaalameen 2007dii.

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ee HPIS ayaa shaacisay go’aankan, waxayna itaas ku dartay in faahfaahinta lagu sheegi doono shir jaraa’id oo ka dhici doona magaalada Qaahira maanta duhurkii.

Saami Abu Suhri oo ah af-hayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in wadahadallada Qaaahir ay yihiin “kuwo ay ka go’aansho ka ka muuqato oo qoto dheer”.

Bishii hore ayay Xamaas ogolaatay in ay kala dirto guddiga maamula Qasa.

Tallaabadaas ayaa ahayd dalabka ugu wayn ee madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas oo Fatax-da uu ka tirsan yahay ay maamusho Marinka Qasa inta badanna gacanta ku haya maamulka Falastiiniyiinta.

Ra’iisulwasaaraha Raami Xamdallah ayaa markaas ka dibna safar naadir ah ku tagay magaalada Qaahira.

Wuxuu sheegay in maamulka Falastiin uu billaabi doono la wareegiidda maamulidda Qasa iyo “masuuliyadda ammaankeedaba”

Israa’iil, Maraykanka, Midawga Yurub, UK iyo quwado kaleba waxay argagixio u aqoonsadeen guud ahaan Xamaas iyo garabkeeda hubaysan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top