Connect with us

somalilandtoday.com

Kulmiye Marabo In Uu Xisbayadii Furo

Articles

Kulmiye Marabo In Uu Xisbayadii Furo

Bishan actober 21 shirkii jaraaid ee uu muuse qabaay (21 october /geeska /cadad/ 3131qaad /axad/

Waxa uu kaga hadal uun xisbiyada mucaaradkaa iyo qabashada doorasha barlamaanka iyo deegaanka iyo siyaabaha loo eryi karo komishanka ,laakin mara kamuu hadal wax rag badani u dhego raaricinaayeen oo ahaa in xisbiyadii badnaa la firi doono, oo rag cusubi saaxad soo gaki doonaa ,

Laakiin qaadacaad uu ku eedeeyey wadani , wadashaqantii ka dhaxaaysay waa mid uu xaq u leeyahay wadani in uu ku adkaysto, waayo wadani horaa god looga qaniinay ,marlabaad laga qaniinimaayee ay ila tahay , ee saxdu waa in la kala diro komiisahnka ,waliba

anagoo dadka iyo dalka u tudhayna ayaanaan waxyaabha qaarkood anaan sheegay,
Tee kale maxaa looga aamusan yahay in la furidoono xisbiyadii badanaa taana waynu wada ognhayoo xisbiyada furidoodu waxay ku xidhan tahay doorashooyinka dowladaha hoose, markaa ma wadani waan hubaa in uu soo baxayo, kulmiyan kushubashadiisii , ururka faysal ee 4.5% ka helay tii madaxtooyada , tan xisbiyada iyo dowladah hoose caanad ka helimaayo halkaasuuna faysalkan qayladiisii badatay iyo buuqiisii kaga nasanaynaayaa ,

Markaa madaxwayne muusow adiga iyo xisbigaaga kulmiye ma inta aad burburiseen UDUB baad doonaysaan in ay jeegaantu isku warwareejiso kursiga , taasi waxay u gaartay saciid ismaaciil iyo adan madoobe, cid habar awal ah oo arinkaa ogoli majirto ,mana jiri doonto,

Hadii jeegaanta fikirkeedu yahay xisbiyo ha isku furin , way qarwayaan . wayna riyoonayaan, hadii taas la diidana jabhado badan baa samaysi doona , taasina waxay khatar u tahay hadafkii laga lahaa xisbiyada badan oo ahaa marka xisbiyada ku jira saaxada siyaasada ee dalka marka hogaaminayaa ay waxqabadkoosii iyo horumarkii laga filayey ku fashilmaan in lagu badelo, waayo kulmiye musuqmaasuq buu xoolahii umada ku cunay , markaa loo baahna in uu sii taagnaado , ama ka ha ka hadlin ama ka aamusoo ,hadii xisbiyo lafuriwaayo somaliland way ku daysay.

Gabogabdii

Furid xisbiyada badani waxay dawo u tahay somliland , hadii taas la waayo uma arko in Somaliland hore u socon karto, waayo waxaa soo muuqata kaligiis taliye nimo ,iyo in xisbi qudhii dalka ka taliyo, iyo in telephoonada la dhagaysto. Saxaafadana lagu xadgudbo.

By: khadar adam aw muuse

mixile190@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top