Connect with us

somalilandtoday.com

“Dilka Wariye Jamal Khaashuqji Waxaa Loo Qariyey Si Aan Taariikhda Horay Loogu Arag” Donald Trump

focus

“Dilka Wariye Jamal Khaashuqji Waxaa Loo Qariyey Si Aan Taariikhda Horay Loogu Arag” Donald Trump

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”

US President Donald Trump delivers the State of the Union address in the chamber of the US House of Representatives in Washington, DC, on January 30, 2018. / AFP PHOTO / POOL / Win McNamee (Photo credit should read WIN MCNAMEE/AFP/Getty Images)

Wuxuuna intaa ku daray cid walba oo falkaasi foosha xun soo maleegtay kana dambeeysay “cawaaqib xun la kulmi doonto”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa wuxuu isna sheegay inuu Mareykanku ciqaabayo ciddii ka dambeysay dilka wariye Jamal ” iney fiisaha dal ku galka kala laabaneyso 21-ka qof ee la shaaciyey ee falkan looga shakiyey.

Mareykanka ayaa wuxuu beesha caalamka kala kulmayaa cadaadis xooggan oo loogu baaqaya iney dabciso xiriirka ay la leedahgay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay marar badan dilka Khaashuqji iyo waxa ku dhacay ay ka soo saareen warbixinno iska horimanaya. Toddobaadyo waxay ku andacoodaan inuu nool yahay Khaashugji, waxay ugu dambeynti boqortooyadu qiratay wariye Jamal Khaashugji oo 59 jir ah inuu ku dhintay hawlgal naxariis darra ah xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykana Mike PompeoLahaanshaha sawirkaEPAImage captionWasiirka arrimaha dibadda Mareykana Mike Pompeo

Mr Pompeo oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa wuxuu sheegay, inuu madaxweynaha uu xaaladda ku faraxsaneyn.

“Mareykanka uma dul qaadan doono ayuu yiri dilka arxan darrada ah ee loo geystay wariye Jamal Khaashuqji in la qariyo lagana aamuso.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top