Connect with us

somalilandtoday.com

“Dilka Jamal Khashoggi Waxa Uu Ahaa Mid Laga Soo Shaqeeyey…” Madaxweynaha Turkiga

focus

“Dilka Jamal Khashoggi Waxa Uu Ahaa Mid Laga Soo Shaqeeyey…” Madaxweynaha Turkiga

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa jeediyey khudbadii sida weyn loo sugaayey ee uu sheegay in uu “runta daaha ka faydayo” dilkii suxufi Jamal Khashoggi ee u dhashey dalka Sucuudiga, laguna dhex diley 02 Oktoobar qunsuliyadda Sucuudiga.

Erdogan ayaa sheegay in 01 Oktoobar maalin ka hor dilka Jamal Khashoggi ay Istanbul ka soo degeen saddex nin oo ka yimid Riyadh, kuwaas oo baaritaan ku sameeyey kaymaha ku dhaw Istanbul, ayuu yiri Erdogan. Ujeedada sadexdaas nin ayaa la aaminsan yahay in ay ahayd sidii ay boos ay ku aasaan Jamal Khoshoggi ugu helaan.

Erdogan ayaa hoosta ka xariiqey in dilka Jamal Khashoggi ahaa MID QORSHEYSAN oo laga soo shaqeeyey, waxaana uu meesha ka saarey sheegashada Sucuudiga qaabka Jamal lagu dilay, Erdogan ayaa yiri waxaan ahaynaa caddeymo badan oo muujinaya in dilkaasi ahaa mid laga soo qorsheeyey sidaas darteed la doonayo in caddlaadda lala tiigsado cidkasta oo ka danbeysey ee denbiga ku gashey Istanbul.

Madaxweynaha Turkiga ayaan gelin faah-faahin dheeraad ah oo la sugaayey sida cajilada la hayo ee gaareysa 11 daqiiqo iyo weliba muuqaalka markii hilbaha iyo jidhka Jamal Khoshoggi laga saarey Qunsuliyadda, arrintaas oo la aaminsan yahay in Erdogan si ku talagal ah uga tegey si culeys kale loo saaro Sucuudiga.

Erdogan waxa uu sheegay in dilka Jamal Khoshoggi ay ka qaybqaateen koox loo soo direy in ay dilkaas fuliyaan. Kadib markii 12 nin oo kale ay ku yimaadeen Istanbul laba diyaaradood ka hor ballanta Khashoggi lalahaa Qunsuliyadda, Erdogan ayaa sheegay in Qunsuliyadda laga wacay Khashoggi si aanu ballanta uga baaqan lana xusuusiyey in dukumintigii uu rabey ay diyaar tahay ee uu ku yimaado ballanta.

Erdogan waxa uu soo dhaweeyey in Boqorka Sucuudigu u xiray 18 qof kuwaas oo la filaayo in ay yihiin 15 nin ee ku ymid labada diyaaradood iyo saddex kamid ah shaqaalaha qunsuliyadda. Erdogan ayaa sheegay in aan shaki uga jirin daacadnimada Khaadimka Xarameynka Boqor Salman, laakiin loo baahan yahay baaritaan cad, erdogan ma soo hadal qaadin magaca dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga ee awooda badan Maxamed bin Salman ee loo yaqaan MBS, waxaana dadka ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe ay ku tilmaameen in Erdogan aaminsan yahay in MBS denbiga wax ku lee yahay.

Erdogan ayaa Sucuudiga ka dalbadey wada shaqeyn dheeraad ah iyo baaritaan xalaal ah, waxaana uu dalbadey in Sucuudigu daaha ka qaado magacyada kooxda dilka geysatey ee 18 ah ee la xiray, isla markaana lagu maxkamadeeyo halkii ay denbiga ka geysteen oo ah Turkiga. codsiga u weyn ee Erdogan jeediyey ayaa ah 15 nin ee dilka fuliyey Turkiga iskama aysan imaan waxay ku yimaadeen amar la siiyey, yaa amarka bixiyey? Maxay tahay ayuu yiri sababta warbixinada is khilaafsan ee ka soo baxay Sucuudiga ka hor inta aysan qiran dilka Jamal Khashoggi, ugu danbeyn halkee ayaa la geeyey ayuu yiri Meydkii Jamal Khashoggi, waxay sheegayaan qof Turki ah oo la shaqeeya Sirdoonka Sucuudiga ayaa loo dhiibey, ha sheegaan qofkuu yahay, inta arrimahaasi taagan yihiin kiiskan ma aha mid xirmaya, sababtu Qunsuliyaddu waxay ku taalaa dhulka Turkiga, waxa ka dhacayna waxay ka baxsan tahay heshiiskii caalamiga ahaa ee Diblomaasiyadda ee Geneva, Qunsulkuna ma sii ahaan karo Diblomaasi Turkiga ciidiisa ku sugan ayuu yiri Erdogan.

Jamal Khashoggi ayaa markii u danbeysey ee la arko waxa uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul oo ballan u dhigtey 5 maalmood ka hor maalinta ballantiisa ee 02 Oktoobar, koox ka timid Sucuudiga oo ay ku jiraan saraakiil aad ugu dhaw Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku dhex diley Qunsuliyadda. Sucuudiga ayaa muddo diidanaa in qunsuliyadda lagu dhex diley, waxaana ay sheegeen in uu ka baxay albaabka danbe ee Qunsuliyadda taas oo noqotey mid aan waxba ka jirin kadib markii ay qirteen dilka jamal Khashoggi laba todobaad kadib markii la waayey, waxaana ay sheegeen in uu ku dhintey si aan ku talo gal ahayn oo uu la dagaalamey koox su’alo weydiineysey!, bayaanka Sucuudiga ayaa caalamka u cuntami waayey.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in laamaha amniga ee Turkigu sidii hore ay saxaafadda u soo gudbiyaan xog la xiriirta dilka Jamal Khashoggi haddii aan Sucuudigu ka jawaabin dalabka Racep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga ee ahaa in 18 qof magacyadooda la soo gudbiyo, caddaaladda la horgeeyo iyo in la keeno meydkii Jamal Khashoggi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top