Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg Deg Ah : Madaxweynaha Turkiga Oo Sheegay In Dilka Wariyihii Jamal Khashqoji La Sii Diyaariyay Maalmo Ka Hor.

focus

War Deg Deg Ah : Madaxweynaha Turkiga Oo Sheegay In Dilka Wariyihii Jamal Khashqoji La Sii Diyaariyay Maalmo Ka Hor.

(SLT-Ankara)Dilka saxafi Jamal Khashoqji waxaa la sii diyaariyay maalmo ka hor, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga oo la hadlaya xildhibaannada xisbigiisa talada haya goor dhawayd.

Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in Turkigu ay arruuriyeen caddawyo xoog badan oo sheegaya in saxafiga Sacuudiga dhaliili jiray loo dilay qaab la sii qorsheeyay, iyadoo dilkana loo fuliyay ayuu yidhi si fool xun.

Wuxuu sheegay in labadii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Wuxuu dalbaday in dadka la hayo lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul.

Waxaa kale oo uu dalbaday in Sacuudigu uu sheego meesha uu ku dambeeyay maydkii wariye Jamal iyo cidda amartay hawlgalkaas.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top