Connect with us

somalilandtoday.com

“Sidii Aan U Fahmay Khudbaddii M. Biixi.” … Cabdinaasir Axmed Abraham

Articles

“Sidii Aan U Fahmay Khudbaddii M. Biixi.” … Cabdinaasir Axmed Abraham

Ugu horreyn aan magaca Rabbi ku furto qoraalkaygan. Bariido kaddib, waxa aan wadaagi doonaa wixii iiga baxay khudbaddii Madaxweynaha Qaranku “Muuse Biixi Cabdi” jeediyay usbuucan.

Ka hor inta aanan u gudbin soo bandhigga iyo sharraxa

farriimihii qarsoonaa iyo kuwii muuqday ee ku jiray hadalkii Madaxweyne Biixi aan ku horreeyo maxaa keeni kara in shakhsigii mansab ahaan ugu sarreeyay dalku uu iskaga hadlo si caadi ah?!

Waxa keeni kara sababahan hoos ku xusan;

B. Lafo-gurka hadalka “Analytic speech” oo ay ka dhashaan qurxinta iyo ka fiirsashada hadalka qofku la shir tagayo ayaa gabi ahaan ba saaxadda ka maqan

oo lama falanqeeyo khudbadaha madaxda. Ceebta ugu weyn ee marka hadalka la lafo-gurayo lagu arki karaa waa is-burin ama iska hor imaad.
T. Moogganaanta Madaxweyne Biixi mooggan yahay dunida xaafadda noqotay”Global Village” ee ammaan ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba iskugu xidhan, iskuna saamaysa ayaa keentay in uu Madaxweynuhu sidii Ardaayada Miyiga looga hadli jiray iskaga hadlo. Waxaana xaggaa ka soo baxday in aanu ka war qabin in dawlado, hay’ado, shirkado iyo shakhsiyaad ba hadalkiisa u heelan yihiin, qorayaan, dirayaan, wax na ka oddorasi doonaan.

J. Jiritaan la’aanta cid Madaxweynaha hadalka kala talisaana waa hulo qaranka ku bannaan oo dabayl qabow badani ka soo galayso. Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha oo is na hawl gab ah ayaa sababaha ka mid ah.

Intaa haddii aan ka soo gudbo aan ku soo dhawaado aragtidayda wixii iiga baxay khudbaddii Madaxweynaha.

Farriinta ugu horreysa ee luuqad jidheedda madaxweynuhu soo diraysay waxa ay ahayd “salbabakh” dareen nuxur ahaan farta ku fiiqaya in hawshu ku baahday ayaa laga fahmi karayay marka aad luugu fiirsado. Farrrinta labadaad ee jawaabahiisa laga helayay na waxa ay ahayd in madaxweynuhu damqanayo oo hadalku gubayo xataa hadalka weriyeyaasha.

Haddii aan sida aan doono u kala horreysiiyo gefefkii khudbadda ku jiray ee madaxweynaha waxa aan ku bilaabi lahaa;

1. Madaxweynuhu dadka uu madaxweynaha u yahay ayuu kala qaybiyay oo qaar na xusay in ay taageerayaashiisii yihiin, qaar na Xisbiga Waddani taageerayaal u yihiin oo isaga ka amar qaataan. Halkii ay ka ahayd in uu Madaxweynenimo dareemo oo isagu madaxweyne u yahay xataa, Madaxda axsaabta qaranka. Khaladka noocaas ahi wuxu farta ku fiiqayaa in Muuse Biixi garasho ahaan weli guddoomiye xisbi taagan yahay.

2. Qaybta dambe ee khudbadda madaxweynuhu mar uu wax ka lahaa xanshaashaq suuqa galay oo ahaa in wax walba handaraaban yihiin ayuu sharrax kooban kaddib xusay in dadka doonaya in ay la kulmaan ay gaadhayaan Laba Malyuun. Intaa wuxu raaciyay in ay dadku wakhtiga ka dilaan oo faan iyo gabayo reereedyo iyo wax la hal-maala wakhti badan kaga lumiyaan. Waxa aanu intaa ku daray in adeegsiga Tiknoolajigu wax ka beddelay dhaqankii wanaagsanaa ee shaqo oo qofku doonayo in uu arrimo waaweyn oo muhiim ah in uu tilifoon madaxweynaha kaga dhammeeyo rabo!

Qof ahaan saddexdaa qodob maqalkooda aad baan uga naxay waa midda hore’e aniga qiyaastayda dadka heer madaxweyne u muraadyeelan kara siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo ganacsato ba waxa aan ku male-awaali lahaa in aanay (500) oo qof kabadnaan karin.

Waa tan labaade; waa ceeb in xafiis madaxweyne faan iyo gabay qabiil lagaga sheekeeyo. Madaxweynaha na waa ku laf-jab in wax Qaran ka hooseeya laga la hadlo. Haddii uu isagu ogolaado in gabayo qabiil iyo faan reereed wakhtiga lagaga dilana waxa ay hoos u dhigaysaa maqaamkiisa.

Haddii aan arrinta saddexaad uga gudbo si kasta oo Tiknoolajigu u hana-qaado in uu dawladnimada casriga hannaankeeda shaqo sahlo mooyaane kama hor imanayo. Isku soo wada xoori oo qodobbada aan kor ku xusay waxa ay farta ku fiiqayaan fahan la’aan hannaanka shaqo oo madaxweynaha ka muuqata.

3. Gefefka yaryar ee aqoonta ku dhisan ee Madaxweynuhu galay waxa ka mid in uu tirada maalmaha sannadka ku sheegay 360 maalmood. Xaggaa sixitaankeedu waa in sannadku yahay 365 maalmood, 5 saac, 48 mirir iyo 46 il-bidhiqsi. Hadhaaga 5-saac, 48-ka mirir iyo 46-da il-bidhiqsina afartii sanno ba waxa ka dhasha maalin dheeri ah waxaana sannadkaa 366 maalmood ah afka qalaad lagu yidhaahdaa “leap year) Af soomaalina maalmo-gure.

Gunaanadkii waxa aan ka fahmay khadbaddaa in uu madaxweynuhu hoggaaminta Qaranka garab uga baahan yahay xisbiga Waddani. Wuxuu xusay in ay kulanno badan wada yeeshee, saacado badanna wada hadleen hasa yeeshee welu xisbigu uu sabab u yahay in dadku kala qaybsanaadaan shaqada qaranna taagnaato. Qof ahaan Xisbiga Waddani waaban dhalliil sanahay oo waxa aan u arkaa in aanay kaalintii mucaaridnimo ee looga baahnaa in aanay ciyaarin. Hadda na sidaas oo ay tahay madaxweynuhu waa ka cabtay.

Si kasta oo ay ahaato mar na ba garnaqsi lagu ma tilmaami karayn khudbaddii Madaxweynaha aniga oo Cabdinaasir ahi na wixii iiga baxay intaas ayaan ku soo koobay. Ammaano Alle idil ahaantiin ba.

somaliland_author@yahoo.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

Advertisement

Feaured

To Top