Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Dalka Shiinaha Oo Xadhiga Ka Jaray Buundada Ugu Dheer Adduunka Ee Badda Dul Marta

focus

Madaxweyne Dalka Shiinaha Oo Xadhiga Ka Jaray Buundada Ugu Dheer Adduunka Ee Badda Dul Marta

(SLT-China)-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa si rasmi ah u furay buundada ugu dheer adduunka ee kormarta bad, arrintan ayaa qabsoontay ka dib sagaal sano oo dhisme lagu waday marinkaas.

Marinkan ayuu dhererkiisu yahay 55km wuxuuna isku xirayaa Hong Kong, Macau iyo dhulwaynaha Shiinaha.

Buundadan waxaa ku baxay 20 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, marar badan ayuuna dib u dhac ku yimid.

Samaynta buundadan waxaa soo wajahay walaacyo dhanka badqabka ah, ugu yaraan 18 ruux oo shaqaalihii dhisayay ka mid ah ayaa dhintay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Madaxweyne Xi ayaa ka qaybgalay xafladdii xariga lagaga jarayay oo Talaadadii ka dhacday Zhuhai waxaana ku weheliyay hoggaamiyeyaasha Hong Kong iyo Macau.

Gaadiidka caadiga ah ayaase waddadan isticmaali doona Arbacada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top