Connect with us

somalilandtoday.com

Labada Kuuriya Oo Hubka Iyo Ilaalada Ka Qaadaya Magaalada Xabbad Joojinta Ee Panmunjom

focus

Labada Kuuriya Oo Hubka Iyo Ilaalada Ka Qaadaya Magaalada Xabbad Joojinta Ee Panmunjom

(SLT-Panmunjom)-Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ku heshiiyay in ay hubka iyo ilaaladaba ka saaraan Panmunjom ama “magaalada xabbad joojinta” taas oo ku taalla xadkooda.

Panmunjom oo sidoo kale loo yaqaanno Aaga Ammaanka labo geesoodka ah ama JSA ayaa ah meesha kali ah ee ciidammada labada Kuuriya ay isku hor fadhiyaan.

Ujeedada arrintaas laga leeyahay ayaa ah in lagu dhimo xiisadda labada dal u dhaxaysa.

Horraantii bishan labada dhinacba waxay billaabeen in ay saaraan 800,000 oo miino oo xadka lagu aasay.

“Labada Kuuriyada iyo ciidammada Qaramada Midoobay ee Maraykanku hoggaaminayo ayaa ku heshiiyay tallaabooyin ay hubka iyo fariisimmada milatariga kagala baxayaan aaga xabbad joojinta meesha lagu gaaro 25 Oktoobar iyo labada maalmood ee ku xiga, saddexda dhinac ayaana samayn doona hawlo xaqiijin ah.” Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaan dhigga ee Kuuriyada Koonfureed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top